Wasiirka Gadiidka Somaliland Oo Iminka Amaro Adag Oo Cusub Soo Saarey .

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa amar ka soo saaray Gaadiidka aan haysan dal ku-galka ama Taarikadda Somaliland oo uu sheegay in aan lagu dhex  isticmaali Karin dalka.

Warsaxaafadeed uu  ku saxeexnaa wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan   oo  ka soo baxay xafiiskiisa ayaa wareegtadan ku socodsiiyey  ciidammada nabadgelyada waddooyinka  iyo isu duweyaasha wasaaraddaasi ee gobollada dalka, waxaanay u dhignayd wareegtadaasi  sidan :-

“In gaadiidka aan haysan ogolaanshiyaha dal ku-galka ama taarikada (Sumada) wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  aanay soo gelin Karin dalka Xuduudana ka soo talaabi Karin. Sidaas daraadeed, waxaa lagu wargelinayaa ciidammada dalka iyo isku-duwayaasha wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka iyo cid kasta  oo ay khusayso in ay sidaas  ula socdaan waajibaadkoodana ka gutaan.

Dhinaca kalena waxa uu wasiirka wasaaradda wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan wareegto wasiir ku joojiyey soo dejinta gaadiidka dadweynaha ee Basaska ee dhinaca bidix ku leh albaabka.

Sidaasna waxa lagu sheegay wareegto kale oo ka soo baxday xafiiska wasiirka  wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka  Somaliland Cabdilaahi Abokor   waxaanay wareegtadani u dhignayd sidan:-

1: In aan basaska albaabka ku leh dhinaca bidixda la soo dejin Karin lana cashuuri Karin laga bilaabo  25 November 2018.marka laga reebo kuwa hadda dekedda yaala.

2: Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Iskaashatooyinka Basaska ayaa ka wada shaqaynaya wareejinta basaska ku leh albaabka dhinaca bidixda muddo aan ka badanayn hal sanno oo ka bilaabmaysa taariikhda ay wareegtadani  soo baxday.

3: Ciddii u hogaansami wayda awaamiirta wareegtadan waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci oo waafaqsan Xeer Lr. 56/2013.

Sidaas  daraadeed, waxaa la farayaa ciidanka Nabadgelyada waddooyinka iyo cid kasta  oo ay khusayso in ay sidaas ula socdaan oo waajibaadkooda ka gutaan.”

Comments

comments