Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Dubatay Crystal Palace, Alvaro Morata Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Blues Oo Kaalinta Labaad Ee Premier league Ka Riixatay Liverpool.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku garaacday kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Crystal Palace waxayna Blues awooday in ay saddexda dhibcood ka hesho Eagles si ay kaalinta labaad ee Premier league ugala baxdo Liverpool oo kulankii Arsenal iska lumisay fursad ay Man City caadaadiska ugu sii hayn kari lahayd.

Chelsea iyo Liverpool ayaa min 27 dhibcood haysta laakiin farqiga goolasha ayay Chelsea ku noqotay kooxda kaalinta labaad ee Premier League ku fadhida waxayna min laba dhibcood hoos uga dhaceen kooxda Premier league difaacanaysa ee Man City oo fariin kale oo wayn u dirtay kooxaha Premier League kula tartamaya kadib xasuuqii ay Southampton u gaysatay.

Laakiin wali waxaa si cad u muuqata in koox kasta oo lumisa dhibco ay booskeeda waayayso taas oo ah waxa hadda ku dhacay Liverpool oo xataa hogaanka Premier league xalay sii haysay taas oo muujinaysa sida uu horyaalka Premier league u adkaatay xili ciyaareedkan.

Alvaro Morata ayaa kulankan isku muujiyay wuxuuna dhaliyay laba gool halka Pedro Rodriguez uu isna hal gool dhaliyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

CRYSTAL PALACE (4-3-3): Wayne Hennessey; Aaron Wan-Bissaka, James Tomkins, Mamadou Sakho, Patrick van Aanholt; Cheikhou Kouyate, Luka Milivojevic, James McArthur; Andros Townsend, Wilfried Zaha, Max Meyer.

KAYDKA: Alexander Sorloth, Jordan Ayew, Jeffrey Schlupp, Vicente Guaita, Martin Kelly, Jason Puncheon, Jairo Riedewald.

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Ross Barkley; Pedro, Alvaro Morata, Willian.

KAYDKA: Cesc Fabregas, Eden Hazard, Ruben Loftus-Cheek, Willy Caballero, Mateo Kovacic, Davide Zappacosta, Gary Cahill.

Daqiiqadii 32 aad Chelsea ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee ay xaalada ugu xumaysay kooxda martida u ahayd ee Crystal Palace waxaana shabaqa soo taabtay xidiga waayihiisa Stamford Bridge badbaadsanaya ee Álvaro Morata kaas oo caawin ka helay xidiga ay isku xulka Spain yihiin ee Pedro Rodriguez waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Blues hogaanka ku qabtay.

Chelsea ayaa qaybtii hore ee ciyaarta doonaysay in ay goolal kale keensato halka Crystal Palace ay ahayd kooxda raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse waxaa lagu kala nastay 1-0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Crystal Palace ayaa soo laabtay iyada oo hamigeeda ugu wayni ahaa in ay ciyaarta ku soo laabto halka Chelsea uu qorshaheedu ahaa in ay goolka labaad kalsooni ku samaysato.

Daqiiqadii 53 aad Kooxda Crystal Palace ayaa keensatay goolka barbaraha kadib markii uu Townsend dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay McArthur waxayna natiijada ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 64 aad Sarri ayaa shaxdiisa hal mar laba isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Willian iyo Ross Barkley wuxuuna ciyaarta soo galayy Eden Hazard oo dhaawac ka soo laabtay iyo Kovačić waxayna markiiba ciyaarta ku yeesheen saamayn fiican.

Daqiiqadii 65 aad Eden Hazard ayaa markiiba sameeyay caawinta goolka labaad ee kooxdiisa Chelsea kaas oo uu dhaliyay Álvaro Morata oo kulankan isku muujiyay wuxuuna Morata awooday in kubbad laaga xorta ah oo uu Hazard soo tuuray in uu goolkan ku dhaliyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Blues hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Daqiiqadii 70 aad saamaynta ciyaartoyda Spanishka ah ee Chelsea ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana markan gool dhaliye iyo gool caawiye isku noqday Pedro Rodriguez oo shabaqa gaadhay iyo Marcos Alonso oo caawinta goolkan sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Chelsea kalsooni buuxda ku heshay.

Labada gool ee ay Chelsea sida deg deg ah u keensatay waxay qalbi jab ku noqdeen kooxda Crystal Palace ee rajadeedu fiicnaatay markii ay goolka barbaraha keensatay waxayna intaas kadib ciyaartu noqotay mid lagu kala awood batay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Blues ku garaacday kooxda C.Palace waxayna guushani Chelsea ka caawisay in ay farqiga goolasha ku soo gashay kaalinta labaad ee Premier league iyada oo ka sare martay Liverpool oo ay min 27 dhibcood haystaan.

Comments

comments