Deg Deg: Afar Qof Oo Lagu Dilay Duleedka Gobolka SOOL Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay

237

Afar Qof Oo Lagu Dilay Duleedka Gobolka SOOL Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay

gudoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle iyo dad kale oo madax banaan, ayaa sheegay in maanta afar nin oo laba ka mid ah ay dhaawac ahaayeen lagu dilay deegaanka Dhumay oo ka tirsan degmada laascaanood .

Dilkan ayaa la sheegay inuu daba socdo dagaal dad badani ku dhinteen oo shalay ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaankaasi Dhumay iyo Dharkeyn-geenyo oo ku yaalla koonfur galbeed ee magaalada laascaanood .

Gudoomiyaha gobolka sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle, wuxuu galabta telifoonka ugu sheegay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige in tirada dadka kaga dhintay labada beelood dagaalkaasi ilaa shalay ay haatan tahay labaatan qof , iyo dhaawac badan .

Comments

comments