Deg Deg: Somaliland Oo Hanjabaad Culus Hawda U Marisay Maamulka Puntland

213

Deg Deg: Somaliland Oo Hanjabaad Culus Hawda U Marisay Maamulka Puntland

Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Dagaalkii Ay Ku Dhawaaqen Guddida Difaaca Maamul Goboleedka Puntland.
Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, ayaa war qoraala ka soo saartay baaqa guddida difaaca Puntland oo Axaddii shalay markale dagaal iclaamiyay.

Warka, waxaa lagu sheegay in Somaliland ay hore u aqbashay dhammaan go’aammadii urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, hase ahaatee ay taa beddelkeeda Puntland jebisay qodobadaasi.

“Madaxda muddo kordhiska doorashada rabta ee puntland, waxay ay maalin walba warbaahinta la fadhiyaan haddalo kala fogayna shacabka walaalaha ah” ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka wasaaradda gaashaandhigga JSL.

Waxa kale oo warka lagu sheegay, in ciidanka Somaliland aanay weli gaadhin xadka dhabta ah ee Somaliland oo kaabi usaaran Garoowe iyada oo Somaliland tix gelinaysa in shacabka Garoowe aanay qixin.

Comments

comments