Fanaanada Elissa Oo Taageerayaasheeda U Sheegtay Inuu Ku Dhacay Cudurka Kansarku Oo Ay Ka Caafimaaday !

303

Cudurka halista ah ee ‘Cancer-ka’ ayaa qofka uu ku dhaco waxa uu inta badan aan helin wax xal ah oo lagu daaweeyo.

Fanaanada Caanka ah ee Elissa ayaa waxay taageerayaasheeda u sheegtay arrin ay in badan ka qarinaysay oo aheyd inuu ku dhacay cudurka halista ee inta badan soo waajaha haweenka ee Cancer-ka Naasaha ku dhaca, Elissa ayaa taageerayaasheeda u sheegtay in cudurkaasi ay in muddo ah la tacaalaysay balse haatan ay ka caafimaaday.

Elissa ayaa arrintaasi taageerayaasheeda ugu sheegtay qoraal ay soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitter-ka waxaanu u dhignaa sidan, “Aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhammaan dadka i jecel kuwaasi oo garab ii noqday intii aan la tacaalayay cudurkaasi”.

Dad aad u tiro badan oo ka mid ah taageerayaasha Fanaanada Elissa ayaa waxay sheegeen inay arrintaasi naxdin gelisay, balse Fanaanada ayaa sheegtay nasiib wanaag in ay Cudurkaasi ka caafimaaday.

Comments

comments

SHARE