Cajiib: Laba Wiil Oo Mattaano Ah Oo Ku Guuleystay Inay Guursadaan Laba Gabdhood Oo Mattaano Ah Oo Ay Jeclaadeen !

222

Laba wiil oo mattaano ah una dhashay dalka Maraykanka ayaa ugu waxay ku guuleysteen inay guursadaan Laba gabdhood oo mattaano ah oo ay jeclaadeen.

Sida lagu baahiyey Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu sheegay in labada wiil ee mattaanaha ahi ay go’aansadeen in aanay guursan ilaa ay helaan laba gabdhood oo Mattaano ah sidooda.

Labada Wiil ee mattaanaha ah oo magacyadooda la kala yidhaahdo Josh Chermi da’dooduna 34 jir tahay ayaa waxay kala guursadeen labada gabdhood ee mattaano ah ee la kala yidhaa Brittany iyo Bryana oo da’doodu 32 jir tahay.

Arooskan ayaa waxa uu dhacay Gobolka Ohaio ee Dalka Maraykanka waxaanay labada wiil ee mattaanaha ahi soo xidheen dhar isku eeg halka ay sidoo kale labada gabdhood ee mattaanaha ahi ka soo xidheen laba toob oo isku eeg.

Mid ka mid ah labada wiil ee mattaanaha ah ayaa isagoo dareenkiisa farxadeeda cabiraya waxa uu yidhi, “Aad ayaan ugu faraxsanahay Arooska aniga iyo Mattaankayga waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay Gabadhaha mattaanaha ah ee aan guursanay”.

Arooskan ayaa noqday mid aad looga hadal hayo gudaha Dalka Maraykanka waxaana sidoo kale aad u qaadaa dhigtay Saxaafada Adduunka.

Comments

comments

SHARE