Deg Deg: Amb Baashe Cawil Oo Aqbalay Xilkii Madaxweyne Muuse Biixi U Magacaabay Iyo Weedho Culus Oo U Hawada U Mariyey

117

Deg Deg: Amb Baashe Cawil Oo Aqbalay Xilkii Madaxweyne Muuse Biixi U Magacaabay Iyo Weedho Culus Oo U Hawada U Mariyey

” Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay”

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka uhaysaan, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.
Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday.

Comments

comments