Maurizio Sarri oo shaaca ka qaaday inaysan macquul ahayn markan bixitaanka xidigaha hazard iyo Willian

179

Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in ay soo idlaatay fursadii ay ku kaga bixi lahaayeen Blues xidigaha Willian iyo Eden hazard, inkasta uusan suuqa qaarada yurub si guud u soo xirmin.

Eden hazard ayaa si xoogan lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid, halka Willian ay Barcelona dooneysay inuu u noqdo badalka Andres Iniesta.

“Waxaan qabaa inaysan suuragal noqon Karin, suuqa wuu ka xirmay halkan, sidaas darteed suuragal ma ahan inaan iska iibino xidigaheena muhiimka ah, waa waxaan socon doonin”.

“Hazard wuu nala joogi doonaa, wax dhibaato ah ma jirto, waxaan la hadlay isaga seddex ama afar jeer, ma uusan ii sheegin arimo ku aadan in kooxda uu ku tagayo”.

“Waxaan u maleenayaa in Eden hazard uu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu nala sii joogo halkan”.

Comments

comments

SHARE