Rabshado La Mid Ah Kuwii Shalay Ka Dhacay Jigjiga Oo Ka Qarxay Magaalada Diri-Dhabe, Halkee Ku Sugan Yahay Cabdi Maxamuud Cumar?

Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.

Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.

Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo IWM.

Dad goob joogeyaal ah waxay BBC u sheegeen in boolis ka tirsan federaalka Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan dadka rabshadaha wada.

Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay.

Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo dhaawac
Tan iyo shalay markii ay rabshaduhu ka billowdeen Jigjiga waxaa la isweydiinayey halka uu ku sugan yahay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta ee DDSI wuxuu BBC u sheegay shalay in madaxweynuhu uu ku sugan yahay madaxtooyada.

Laakinse qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya waxay sheegayeen in Cabdi Maxamuud Cumar ay milaterigu qabteen.

Warkaas cid xaqiijisa ma jirin, ismana soo tarin.

Maantana waxaa la sheegay inuu Cabdi Maxamuud Cumar la kulmay baadariga ugu weyn magaalada Jigjiga, oo uu raalli gelin ka siiyey kaniisad shalay la gubay, hase yeeshee ilo baadariga ku dhow waxay sheegeen in uusan ku qancin raalli gelinta.

Sida muuqata madaxweynaha DDSI Itoobiya wuxuu weli ku sugan yahay gudaha jigjiga, waxaana shalay dad ka tirsan deegaanka ay BBC u sheegeen in intii ay rabshadaha socdeen lagu dhex arkay magaalada.

Comments

comments