Deg Deg: Siyaasiyiin Miisan Culus Ku Laha Xisbiga Waddani Oo La Filayo Inay Gabi Ahanba Ka Baxan

37

Deg Deg: Siyaasiyiin Miisan Culus Ku Laha Xisbiga Waddani Oo La Filayo Inay Gabi Ahanba Ka Baxan

Xog-cusub: ” Xagee bay ku danbeeyeen Sadexdan siyaasi ee saamaynta weyn ku dhex lahaa Xisbiga Wadani doorashadii ka kedib.

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Siyaasi C/risaaq Khaliif Axmed iyo Haldoor Barkhad jaamac xirsi oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee waddani ka tirsanaa ayaa la filayaa in ay xagaagan ka jihaystaan xisbiga waddani oo ay mudo laba sanno ka badan ka tirsanaayeen.

• Xuseeen Axmed Caydiid oo ahaa siyaasi aad u hadal kakan kuna ad-adkaa xukuumadda iyo xisbigeeda, ayaan warbaahinta ka soo muuqan tan iyo intii uu ka mid noqday Xildhibaada Golaha wakiilada,
Bulshada ayaa waxbadan iska weydiinaysay isbedelka ku yimi, Hase yeeshee xogo la helay ayaa shaaca ka qaaday in xuseen oo loolan u galay boos ka banaanaaday golaha wakiilada ayaa waxaa ka cod badnaa wasiir ku xigeenka warfaafinya Maxamed Muuse Abees, hase yeeshee xogta aan helay ayaa ii xaqiijiyay in xukuumadda uu kula heshiiyay in loo daayo Xildhibaanimada, waxaana dhex dhexaadin arinkaas ka galay Suldaanka guud ee beesha Axmed dhagax sidaas ayaana lagaga reebay wasiirkii ka codka badnaa, xuseen ayaa dhankiisa balan qaaday in uu ka soo xuub siiban doono waddani,
tan iyo intii uu xildhibaanka noqdayna wuxuu joojiyay wax walba oo ku lidi ah xukuumadda kamana soo dhex muuqan warbaahinta oo todobaad walba uu xukuumada u marin jiray eedo iyo dhaliilo is barkan, waxaase aan la ogayn heshiiska hoose ee uu xukuumada la galay iyo waxa ay ku heshiiyeen.

• Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hadda ah Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani ayaa ka mid ahaa ragii ku soo baxay loolankii doorashada waxaana uu difaac adag kala hor yimi xukuumadda iyo xisbigeeda kaambaynkii doorashada ee gobolka Sool wuxuuna sidaa ku kasbaday in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka Waddani isagoo hore u ahaa xog-hayaha dhaqaalaha ee xisbiga, cabdirisaaq ayaa laga helay warar sheegaya in la qorshaynayo in uu ka soo dhex muuqdo golaha xukuumadda Madaxweyne Muuse, tabadashada gobolka Sool ayaa keentay in looga maarmi waayo in Cabdirisaaq khaliif xukuumadda kala shaqeeyo niyadda shacabka sool oo ay saamayn ku yeelatay colaadii tukaraq, in uu ka mid noqdo xukuumadda ayaa waxaa soo jeediyay Garaaad Jaamac Garaad ismaaciil oo madaxweynuhu talo ka weydiiyay xaaladda sool, Cabdirisaaq ayaa la sheegayaa in uu bedel u noqon doono Wasiir Maxamed Kaahin oo ka nasan doona xilka wasiirnimo kedib marka la soo af jaro colaadda Ceel-afweyn, Maxamed Kaahin ayaa dhiniciisa la soo jeediyay in uu bedel u noqdo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo la filayo in uu xilka ka dego dabayaaqada sanadkan, qorshahan ayaa yididiilo gelisay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif wuxuuna hadda ku hawlan yahay sidii uu xisbigaas uga bixi lahaa.

• lataliyihii hore ee madaxweyne siilaanyo Haldoor-Barkhad Jamac Batun oo ah siyaasi dhalinyaro ah oo hadal yaqaana kaalin muhiimana ugu jiray xisbigga waddani ayaa dhiniciisa mudooyinkii ugu danbeeyay joojiyay shirarkii jaraaid iyo dhaleecayntii Xukuumada iyadoo mudooyinkii danbe la isla dhex marayay in uu si weyn u saluugsanyahay Siyaasadda aan jihada lahayn ee xisbiga waddani, haldoor barkhad ayaa isna la sheegayaa in uu ka mid yahay rag badan oo xagaagan la filayo in ay xisbigoodii iskaga jaqaafiyaan,

Intani waa xoggo la helay fikirkiinuna waa muhiiiim

Comments

comments