Daawo: Ciyaariyahanka Fabregas Oo Aroos Laga Yaabay Dhigtay Iyo Ciyaariyahanada Ka Soo Qayb Galay

127

Ciyaartoy Caan ah ayaa isugu yimid xaflada Dabaal-degga arooska Cesc Fabregas oo ka dhacaysay Ibiza.

Saaxiibadiisa Chelsea, Terry, Kante, Pedro iyo qaar kale iyo sidoo kale saaxiibadiisii hore ee Barcelona, Lionel Messi, Sergio Busquets, Carles Puyol iyo qaar kaloo badan ayaa ka soo qeyb galay xafladda dabaal-degga aqal galka Fabregas iyo xaaskiisa Daniella Semaan.

Waxaan meesha ka marneyn saaxiibadiisa hore ee Arsenal, Theirry Henry, Thomas Rosicky.

Xiddigaha iminka ee kala tirsan kooxda Chelsea ayaa sidoo kale goobta joogay.

Kante oo xaadir ahaa ayaa u soo labistay si ciyaalka xaafada iska ah oo ka duwan sidii ay u labisnaayeen ciyaartoyda kale ee xafladda yimid, taasoo noqotay hadal-heynta ugu badan maanta baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka.

Comments

comments