Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumaddii Muuse Biixi Uu Albaab Walba Ku Soo Oodmay, Somaliland-na Qarka U Saaran Tahay Inay Dunto – “Muusow Ma Waxaad Ogolaatay Maamul Goboleed”?

42

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumaddii Muuse Biixi Albaab walba uu ku soo oodmay imikana ay uu muuqato inay Maamul Goboleed Soomaaliya ka tirsan ogolaatay,Waxa uu ka dayriyay Siyaasaddii Arimaha Dibada iyo Tii Arimaha Gudaha ee Somaliland,Waxaanu Carab ku adkeeyay inuu qarankii Somaliland haddii aan loo gurman uu Gacanta Muuse Biixi ku burburayo,waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka diblomaasiyadeed ee ay Dawlada Soomaaliya inagu soo qaaday taasi oo uu sheegay inay marayso heer ay Masuuliyiin dawladooda ka tirsan u soo magacaabaan Hargeysa.

Gudoomiye Cirro oo shalay Warbaahinta kula hadlay Hooyga uu ka degan Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Kalmadihii uu sida gaar ah ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi,sidan “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga KULMIYE waxa ay ku ololayeeyeen: ‘’ Cirro iyo Xisbiga WADDANI laguma aamino karo dalka”. arrintaasi gabay bay ahayd. Jawaabta gabaygana waxaa lala sugaa xilli ku munaasib ah. Hase yeeshee gefka ay galeen anigu gali maayo, odhana maayo: ‘’ Muuse Biixi iyo KULMIYE dalka laguma aamino karo ee aan ka qabanno”. Waxa aanse leeyahay Muuse iyo KULMIYE xaaladda dalku ku jiro ee dhaqaalo darro ah, maamul habacsanaan ah, iyo kala qeybsanaanta umadda iyaga ayaa ka mas’uul ah, qarrankuna jihadda uu ku socdaa maanta jiho sax ah maaha, waxaanu jidkaasi keeni karaa Qaranka Oo Duma”.

Waxa kale oo uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “Wallaalayaal maanta dalkii waxaa ku habsaday maamul xumo baahsan, xukuumadda hadda jirtana waxay albaabadda u laabtay dhammaan hannaankii Somaliland ku socotay ee ahayd hiigsiga dowladnimo qaangaadh ah iyo helidda ictiraaf caalami ah. Waxa maanta meeshii ugu hooseysay maraysa siyaasaddii Arrimaha dibadda Somaliland oo go’doon siyaasi ah sii galaysa maalinba maalinta ka danbeysa, waxaa soo baxaya sawirro muujinaya in Somaliland meeqaamkeeddii hoos u sii socdo”.

Sidoo kale waxa uu yidhi“Qalabka warbaahinta maalmahan ugu danbeeyey waxa aynu kala soconay dhacdooyin ku ugub ah Somaliland. Waxaa ka mid ah in wafdi reer Somaliland ah booqasho ku tegay Puntland iyada oo xukuumadduna ka warqabtay tegidoodda sida ay ku sheegtay warsaxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyaddda,kuna tilmaantay dad is xilqaamay.Waxaa sidoo kale Bruesless ka socday shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo ay xukuumaddeenu sheegtay in aanay ka qeybgaleyn cid ay u wakiilatayna aysan jirin, hase yeeshee ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo madaxweynaha Khaatumo lana kulmeen madaxweynaha Soomaaliya,Waxa aan si baahsan ula soconay arrimaha maamulka hawadda Soomaaliya in ay gacanta Somaliland ka baxeen, waxaa la sheegayaa in saraakiil waaxda socdaalka Soomaaliya soo magacawday Hargeysa joogaan”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Arrimahaasi waxa ay muujinayaan dareen ah in xukuumaddu raali ka tahay in Somaliland la gaadhsiiyo meeqaam maamul goboleed, Kulmiyow qaranimaddii miyaad ka noqoteen? Xukuumadda goloyaasha iyo shacbiga ha u soo bandhigto haddii isbeddel ku yimi siyaasaddii arrimaha dibedda iyo gudahaba ee Somaliland,Arrimahaas kor ku xusan waxa ay rejo beel Qaadsiinayaan shacbigii samirka badnaa ee 27-kaa sanno ka dhursugayey dal la aqoonsan yahay oo caalamka ka mid ah. go’doonkaas iyo rejo beelnimaddaasna mas’uuliyaddeedda waxaa qaaddaya xukuumadda Kulmiye ee haatan taladda haysa”.

Comments

comments