Deg Deg: Nin Si Fool Xun Magaalada Hargeysa Loogu Diley + Cida Dishay + Goobta Ay Ka Dhacaday + Xaaladiisa Caafimada

47

Deg Deg: Nin Si Fool Xun Magaalada Hargeysa Loogu Diley + Cida Dishay + Goobta Ay Ka Dhacaday + Xaaladiisa Caafimada

Nin aan wali la aqoonsan magaciisa oo saddexan ayaa  goor dhaweyd lagu tootiyey guddaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka saldhiga New Hargeysa oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada.

Ninka oo laba tooriyadood lagaga dhufatay dhinaca mid ee sanbabada dushiisa ayaa ciidanka boolisku keeneen dhaawiciisa dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

Inkasta oo mayd loo haystay haddana markii gargaarka fiican loo fidiyay waxaa la ogaaday in wali uu nool yahay in yar ka dibna waa uu neefday ninkani dhaawaca xooggani soo gaadhay.

Hawl-wadeenada shabakadda Barigaafrika oo la kulmay dhaawaca markii la dhigayay cisbitaalka ayaa arkayay isla markaani xaaladda caafimaad ee hadda uu ku sugan yahay ninkani dhaawaca ah ka wareystay dhakhaatiirtii daaweynaysay waxaanay xaqiijiyeen in xaaladda ninkani ay hadda tahay mid culus.

Geesta waxaana lagu dabo jiraan ninkii kale ee falkan gaystay wali ciidanka iyo cid kale kama hadal sababta falkan ka dambaysay iyo waxa ay isku qoonsadeen.

Comments

comments