Deg Deg: Madaxweyne Biixi Imika Magacaabis Ku Sameeyey Xukuumadiisa + Cida U Magacaabay

63

Deg Deg: Madaxweyne Biixi Imika Magacaabis Ku Sameeyey Xukuumadiisa + Cida U Magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

Markaan Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey: In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments