Deg deg: Madaxweyne Biixi Oo Socdaal Deg Deg Ah Ugu Bixi Doono Gobalada Bariga Somaliland + Ujeedada Socdaalkiisa

40

Deg deg: Madaxweyne Biixi Oo Socdaal Deg Deg Ah Ugu Bixi Doono Gobalada Bariga Somaliland + Ujeedada Socdaalkiisa

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Socdaal ugu anbabaxaya Gobolada Barri, Gaar ahaan Degmooyinka CEEL-AFWEYN iyo TUKARAQ oo mudooyinkii u danbeeyay xiisado Colaadeed ka taagnaayeen.

Ugu horayn Madaxweynaha oo Socdaalkiisan aan hore loo shaacin, ayay ujeedadiisa u weyni tahay in uu soo gabagabeeo Colaada daba dheeraatay ee Ceel-afweyn, iyo in uu booqdo Ciidamada Qaranka Somaliland ee Dagaalka dhinaca Xuduudaha ah kula jira Maaamul Goboleedkan Soomaaliyeed ee Puntland.

Socdaalkan madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu Gobolada Barri ugu anbaboxo tan iyo intii la doortay.

Su’aashuse waa ” Maxaa laga Filan karaa Socdaalkan Madaxweynaha?”.

Xigasho: Wariye Calimahdi Jibriil

Comments

comments