Deg Deg: Dagaalo Culus Oo Ka Qarxay Gobalka Sool Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan Culus Galay

50

Deg Deg: Dagaalo Culus Oo Ka Qarxay Gobalka Sool Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan Culus Galay

Ciidanka Jiida Hore Oo Heegan Culus La Geliyey,Iyo Gobolka SOOL Oo Laga Dareemaayo U Diyaar Garawga Soo Dhoweynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan Jiida Hore Ee Gobolka SOOL Ayaa Heegan Culus La Geliyey,Waxaana Siweyn Gobolka SOOL Looga Dareemaya Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan,Kuwaas Oo Ku Gaashaaman Gaadiidka Dagaalka Noocyadiisa Kala Duwan

Sababta Ugu Weyn Ee Heeganka Loo Geliyey Ciidanka Qaranka Somaliland,Ayaa La Sheegay Inay Tahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Ku Wajahan Gobolka SOOL Gaar Ahaana Deegaanka TUKARAQ,Halkaas Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Booqan Doono Ciidanka Qaranka Somaliland,Ee Fadhigoodu Halkaas Yahay,
Sidoo Kale Waxaa Gobolka SOOL Maanta Gaadhay Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland,Iyo Wefti Uu Hogaaminaayo,Waxaana Jidadka Magaalada Laascanod Ka Babanaaya Calanka Somaliland Oo Lagu Xardhay Suuqyada Kuwaas Oo Loogu Diyaar Garoobaayo Soo Dhoweynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Inkasta Oo Aan La Sii Shaacin Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Madaxweynaha Somaliland Safarkiisa Bilaabayo,Hadana Ilo-wareedyo Ku Dhow Madaxtooyada Ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Somaliland Maalinta Beri Ah Safar Ugu Anba Baxaayo Gobolada,Bariga Somaliland

Comments

comments