Cajiib: Dib U Milicsiga Is-Barbar-Dhigga Go’aamadii Wakhtiyo Kala Duwan Laga Soo Saaray Shir-Beeleedyadii Beelaha Garxajis, Habar-Jeclo Iyo Habar Awal

77

Tan iyo In Muddo ah waxa ay Beelaha Somaliland qaarkood hore u qabsadeen shir-beeleedyo kala duwan oo dhaqan balse dhabarka ku haya siyaasad kuwaasi oo ku yimid xaalado iyo duruufo kala duwanaa. Waxa aynu halkan is-barbar dhig ku samayn doonaan nuxurka haddaba qodobo ka soo baxay saddex shir-beeleed oo dalka ka qabsoomay tan iyo sannadkii 2008 in badana xusuus reebay kuwaasi oo uu ugu dambeeyey kii shalay beelaha Garxajis ugu soo dhammaaday Buurta Gacan Libaax.

Shir-beeleedyada Gar-adag (Habar-jeclo), Hoodaale/Dan iyo Duco (Habar Awal) iyo Tol-Wanaaje2 (Garxajis) oo muddooyin kala duwan dalka ka qabsoomay ayaan ku eegi doonaa qodobada shirarkaasi ka soo baxay iyo farqiga u dhaxeeyey.

Go’aamada Tol-wanaaje2 (Beelaha Garxajis), Gacan-Libaax July 1, 2018:
Shirweynihii Beelaha Garxajis ee muddoda uga socday Buurta Gacan Libaax ayaa shalay oo Bishan July 1 ahayd waxa ka soo baxay 8 qodob oo waaweyn oo u dhignaa sidan:

1- Shirweynaha beelaha Garxajis ee Tolwanaaje-2,waxa uu cadaynayaa in si buuxda la iskula qaatay midnimada Garxajis.

2- Beel weynta Garxajis waxay Caddaymo buuxa u haysaa in Madaxda sare ee Dawladda iyo Dhamaan Qaab dhismeedka Dawlada ee Madaxweynuhu soo dhisay markii la doortay sida Golaha Wasiiradda, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Madaxda Hay’addaha Madaxa bannaan, hogaamada Ciidamada kala duwan iyo saraakiisha Ciidamada iyo dhamaan Shaqaalaha Dawlada 65% ay kasoo jeedaan ama ka tirsan yihiin beelaha isku bahaystay xaqdarada, taasi oo ah xaalad aan u cuntami Karin beel-waynta garxajis iyo Beelaha Kale, ee Reer Somaliland midna, sidaa awgeed waxaanu soo jeedinaynaa in si deg deg ah oo aan daahid lahayn loo saxo loona badelo cadaalad daradaasi oo ah mid aanay Somaliland Kusii jiri Karin.

3– Beel weynta Garxajis waxay ku heshiisay inay talo kulan noqoto dhamaan beelaha Somaliland si loo gaadho ama loo helo Somaliland lawada leeyahay.

4– Beel weynta Garxajis waxaa u cadaatay in Khayraadkii dalka,Maalgashigii dibada,kaalmooyinkii Caalamiga ah iyo dhamaan Qandaraasyadii Qaranka aan loo sinayn si gaar ahna loogu xidhay dad gaar ah,taasi oo aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka,abuurtayna kala sarayn Dhaqaale iyo in hantidii dalka gacanta loo galiyay dad gaar ah.

5– Shir weynaha Beelaha Garxajis wuxuu Madaxweynaha usoo jeedinayaa,Kuna adkaynayaa in Dastuurka Qaranka la furo si beelaha Darafyada Somaliland ee Cabashadoodu inta badan soo noq noqotay iyo kuwa kaleba ay Xuquuqdooda dastuuriga ah ay uhelaan,awooda Hogaaminta dalkana loogu sinaado.

6– Waxaa cad inay isku milmeen saddexdii waaxood ee qaab dhismeedka Qaranku lahaa,sida waaxda Fulinta,Sharci dejinta iyo Garsoorka sidaa awgeed Beelwaynta Garxajis waxay ku baaqaysaa in dib loogu soo noqdo ku dhaqanka Dastuurka dalka,Saddexda Waaxoodna kala madax bannaanaadaan.

7- Beesha Garxajis waxaa ay dhiigeeda iyo dhuuxeedau shubtey jiritaanka iyo madax banaaninada Somaliland , si loo helo dal la wada leeyahay, iyadoo tiro ka badan toban kun oo Geesiyaal ah ku wayday tiro kale oo intaasi kabadan ay kaga naafoobeen, sidaas awgeed waxa ay beesha Garxajis digniin culus u direysaa cid kasta oo Madaxda Qaranka ka tirsan oo Beeshani ku eedaysa qaran dumis.

8- Bulshada reer Somaliland ee Nabada jeceli waxay Markhaati ka yihiin in dagaalka labada sanno ka socdey deeganka Ceel Afweyn illaa haddan socda ee u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah , aaney dhex ka aheyn Dawlada Somaliland ee maanta jirta iyo tii ka horaysay, sidaa darteed beel waynta Garxajis Waxay baaq u diraysaa labada Beelood ee dirirtu ka dhexayso ee walaalaha ah,iyaga oo leh caqligiinu ha garto dhibaatada Guryihiinna taala,Madaxweynahana waxaanu ku adkaynaynaa inuu ku dhiirado soo afjarista,si deg deg ah,Colaadaasi,isagoo adeegsanaya Awooda dawladnimo iyo Cadaaladeed iyo inuu wax ka qabto dambiilayaasha dagaalkaasi hurinaya ee iskugu jira Gacan ku dhiiglayaal iyo siyaasiyiinta Xukuumaddiisa ka tirsan si ay u fududaato in la iskugu yimaado wada hadal nabadeed,xalna loo gaadho,loogana badbaado inuu dagaalkaasi deegaamo kale oo nabad ah ku fido” ayaa lagu soo koobay war murtiyeedka Shirkaasi kasoo baxay.

Go’aamadii Shirkii Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse (Habar Awal), Agabar, 26 September

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse oo 26-kii September 2013 lagu soo gabogabeeyey Degmada Agabar ee Gobolka Maroodi Jeex oo ay ka soo qayb galeen 750 ergay waxa ka soo baxay 9 qodob oo u dhignaa sidan:

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu si buuxda u garab-taagan yahay jiritaanka dawladda Somaliland,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa halganka ka midho-dhalinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa hoggaanka dawladnimo iyo hab-raaca nidaamka doorashooyinka ee uu ku qotomo dhismaha Qaranka Somaliland,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse waxa saldhig u ah adkaynta nabadgelyada,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu ku baaqayaa in wixii khilaafaad ah ee dalka ka jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan kuwa ood-wadaagta ah,
Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu soo jeedinayaa in da’yarta iyagu iska leh mustaqbalka waddanka ay ka waantoobaan halaagga Tahriibka,
Shirweynuhu soo jeedinayaa in arrinta Ceelbardaale lagu dhammeeyo wadahadal, nabadgelyo iyo sifo sharci ah,
Waxa shirka beelaha Sacad Muuse lagu dhisay guddi horumarineed oo u adeegi doona horumarinta beesha.”
3. Go’aamadii Shirkii Gar-adag ee Beelaha Habar-jeclo, Gar-adag, 17 August 2008:

Shirweynihii Beelaha Habar Jeclo ku qabsadeen Degmada Garadag ee Gobolka Sanaag oo lasoo gabogabeeyey Galabnimadii 17-kii Bishii August ee sannadkii 2008 oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 200 oo ergay, muddo saddex toddobaad ku dhowna uga socday degmadaasi ayaa laga soo saaray 18 qodob ah waxaana galabtaasi la shaaciyay oo kali ah 8 qodob oo ka mid ahaa 18-ka qodob ee shirka laga soo saaray, iyada oo wakhtigaasi warbaahinta laga sheegay in 10-ka qodob ee kale beesha u gaar ahaayeen, 8-da la baahiyeyna u dhignaayeen sidan:

1- Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aaminsan yahay ilaalinta jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxana uu beesha caalamka, ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururuka IGAD ugu baaqayaa qadarinta iyo aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

2- Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahay ilaalinta nabadgalyada Somaliland in ay muhiim tahay.

3- Shirku waxa uu beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta nabada Iyo nabad-kuwada-noolaanshaha iyo sidoo kale daris-wanaag in lagu wada noolaado.

4- Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baqayaa nabad-kuwada-noolaanshaha oo uu aaminsan yahay inay qayb ka tahay daris-wanaagga

5- Shirku waxa uu cambaaraynayaa dhammaanba falalka argagixiso, afduub, jidh-dil iyo dhammaanba xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo dhan cid kasta oo ku kacda.

6- Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhammaanba xadgudubyada lagu hayo suuqa xoolaha Somaliland oo dastuurku ka dhigayo mid madaxbannaan, sidaa daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa inay faraha kala baxdo suuqa xoolaha oo lafdhabar u ah hannaanka dhaqan-dhaqaale ee dalka

7- Shirku waxa uu walaac weyn ka qabaa nidaamka diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda, gaar ahaan qodobadda odhanaya; ” Codbixiyuhu waxa uu ka codayn karaa oo keli ah Goobta uu ka codbixiyay,” waxaanuna codsanaynaa in wax laga beddelo qodobkaas.

8- Shirku waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta giinbaarta ee laga qaato gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo isugu jira kuwo been-abuur ah iyo lacagtii Soomaaliya ee gabowday.

Comments

comments