“Runta Ma Ku Soo Dhawaanaa” Abdirisaq Terra (Baadi-Goob)

241

“Runta Ma Ku Soo Dhawaanaa” Abdirisaq Terra (Baadi-Goob)

(Runta ma kusoo dhawaanaa?)
Qofka garaadka leh ee caqliga u saaxiibka ahi markuu xisaabtan isugaysto oo jawaab sax ah u helo ayuu ogaanayaa sababta Somaliland siddan maanta baday.
Maxaa markii Alle haw naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal Madaxweynaha ahaa Siilaanyo intuu iska casilay wasiirkii maaliyada u cadeeyey inuu toos siyaasada uga fadhiistay oo Bayshan ahaan isaga nasanayo?, siddoo kale Muuse Biixina Waligiiba labba billood keliya xafiis ugu shaqo tagay kadibna aan wax dambe cidi ugu diran.
Geeridii Cigaal maalmo kadib maxay tahay Sababtii Siilaanyo kusoo Celisay Siyaasadii cigaal oo nool uu ka fadhiistay?
Maxaa Hoggaamintii Daahir Rayaale Kaahin Somaliland Dibbad iyo Gudoba uga qiimo badatay raggaas?
Maxaase bedelay qorshihii lagu najaxay ee ahaa in SNM Xukunka labba Sannadood oo keliya ay hayaan kadib bulshada dib ugu celiyo, iminkana magaca mujaahid u yahay darajo tan ugu saraysa ilayn SNM Beesha Isaaq keliya ayaa lahayd oo cidi lama lahayne?
Haddii Halgan laysku maamuusayo oo Siilaanyo iyo Muuse’ba Halgankii dartii loo doortay Maxaa Xasan Ciise Jamac, inta ururkiisi loo riday Siilaanyo usoo saaaray Xisbiga Ucid oo tartankii ururada ku hadhay?.
Haddiise Wakhtigii Siilaanyo Xisbiga Kulmiye beelaha guushiisi sidda gaarka ah ugu suntani ay ahaayeen Habar Awal siiba Sacad muuse, Habarjeclo iyo Arab; maxaa Arab gaar loogu faquuqay oo laysugu daray Xaqsoor oo la rido iyo Kulmiye oo laga xigsado?.
Haddii aan dimuqraadiyadii laga tashan oo wax gaar ah cidi ku heshiin maxaa Jamaal Cali Xuseen looga hiiliyey oo loo sameeyey in Dastuurkii dalka iyo Xeerkii Axsaabtaba in loo jabiyo si aan Jamaal Murashax u noqon?.
Marleyba Beeluhu waxba iskuma hayne ee kala qaybintooda ayaa laga shaqaynayey.
Waxaas oo dhan markaas isu soo gayso, maxsuulka kuu soo baxaya ayaa ah in Geeridii Cigaal Somaliland kubka iyo bawdadaba kaga jabtay.

Comments

comments