Shirka Gacan-libaax: Marti-qaadka Loo Diiday Madax-dhaqameedka Subeer Awal iyo Habarjeclo, Ma Ugub Baa Mise Waa Curad?

113

Hummaagga (sawirka) aad arkaysaan waxa aan kula jiraa Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse Suldaanka Guud ee beelaha Habarjeclo iyo Maxamed Maxamuud Xiiray oo ay walaalo yihiin Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Suldaanka Labaad ee Beelaha Habar Yoonis.

Waxa aanu galnay hilaad ku siman 13kii Juun 2014ka oo magaalada Balligubadle lagu soo xidhay shirkii Af-garad ee Beelweynaha Arab, waxaana lagu martiqaaday Madax-dhaqameedka, warbaahinta iyo bulshada Somaliland. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa ka mid ahaa dadkii joogay. Shirkii ay beelaha Ciise Muuse ku qabsadeen Dubur 2011kii waxa lagu soo casuumay madax-dhaqameedka Somaliland. Garadag 2008 iyo Agabar 2013 waxa aan ku maqnaa Baakistaan iyo Jabuuti, hannaankii loo xidhayna ma faahfaahin karo.

Shirka 23kii Juun ka bilaabmay buurta Gacanlibaax si dhaw ayaan ula socday, wax aan saluugo oo kale ma arkin, laakiin hal nuxur ayaa iga degi waayay. In uu qabsoomo waan taageersanaa, laakiin in uu qaabkan ku dhammaado kuma farxin.

Haddaba waxa la-yaab igu noqotay sida warku igu soo gaadhayo in cod gacan-taag ah lagu diido in marti-qaad la gaadhsiiyo beelo reer Somaliland ah. Maxaa ay gef sameeyeen? Ma is-bahaysigii doorashada ayaa lagu nacay? Muxuu noqonayaa aayaha ninka Murashaxa Madaxweynaha ah ee fadhiya madarka lagu kala soocayo qabiillada Somaliland?

Miyaanay la soconnin dad badan oo beelahaas la fogeynayo ah? Ma codka madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta isku xisbiga ah ee madashaas joogta ayaa ku filan? Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir miyaanu ahayn Suldaankii Guud ee Isaaq ama kii Somaliland? Ma ninkii yeeli lahaa in shacabkiisa badh la fogeeyaa?

Qof ahaan waxa aan rumaysanahay in aanay salaaddiintani wax naxli ah u haynnin beesha Gacanlibaax ku shiraysa. Labada beelood iyo xerta Tol-wanaajeba waxa ay ka mid yihiin udub-dhexaadka dalka. Anigu waxa aan aamminsanaa in la marti-qaado madax-dhaqameedka beelaha Somaliland oo dhan.

Weliba waxa aan si gaar ah ula doodi lahaa salaaddiinta martiqaadka laga reebay.”Ilmaadeerrayaal, waa markayagii. Somaliland ku socon mayso in xukunka laga ilaaliyo beelaha qaar. Awal laba gacmood baad ahaydeene, annagana ta saddexaad naga dhiga” ayaan odhan lahaa. Dadku haddii ay si furan u garnaqsadaan, waa ay isla garan karaan waxa qaranka hadimada ku ah.

Waa run, iyada oo damallada dhinacyada iyo beelaha Gabooye saluugsan yihiin saami-qaybsiga Somaliland ayay haddana beesha dhexe sii kala cabanaysaa. Markaas tabashada ma wada-hadal ayaa ka furan mise ku-jiqsii? Ma in xukuumadda la dhaliilo, canaanto oo toosiyaa mise waa in madax-dhaqameedka cadho lagula dul kufo. Kollayba haddii aan madashaas joogo cod ma siiyeen qodobkaas. Maxaan u hadal-hayaa waxa Gacan-libaax ka socda? Saw kama mid ahi dadka magacooda boodhadhka lagu qoray ee madarka ku xardhan, waa in aan faalleeyo wixii ila qallooca.

Ma maanta ayaan yeeli karaa in ay col iyo cadaawe ii yihiin Galbeedka Hargeysa, Saaxil iyo Bariga Burco? Dee kolkaas waxba ma hadhine, ma in kala jaqaafiyaa? Marka ay sidaas tahay rejadii la qabayna god madaw ayay ku dhacaysaa. Waxa labadaas beelood loo sharciyeeyay xulafadii saw maaha? Haa, waa inay sidii isugu codeeyaan saw maaha? Waa in aanu hadhawna nidhaahno “Waa lagu shubtay. Waa nala dhacay” saw maaha? Waa halkii ninkiiye saw la odhan maayo “Awalba aniga oo cabanaya ayay weylina igu joogsatay” saw maaha?

Aniga oo ka xun in la moodi doono nin shirka Tol-wanaaje diiddan, waxa aan leeyahay aynu ka fiirsanno goaankaas aynu ummadda ku kala reebaynno. In aynu keligeen shirka xidhanno iyo in aynu beelaha Somaliland u wada yeedhno wax ka dhexeeya garan maayo.”Miyaad yeeshid waxa tolkaa isku raacay?” ayay odhan qaar.

Ma nin indhaha iyo dhegaha dabooshay ayaan iska daba-galaa? “Haddii uu indhoole hago indhoole kale, labaduba god ayay ku dhacaan” baa hore loo yidhi. Waxa aan u arkaa inay meel-ka-dhac ku sameeyeen magacii beel-weynta ay ergada iskeed isu xulatay ku metelayeen.

Anigu uma arko in ay waxyeello gaadhayso beelaha la marti-qaadi waayay, laakiin waxa shaambad isku dhuftay cidda qaraarkaas ansixisay. Weliba waxa halkaas fadhiya Murashaxii Madaxweynaha ee aan codkayga siiyay 2017ka. Haddii uu Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) raalli ka noqday heshiiska noocaas ahna, waxa aan ka fiirsan doonaa cidda aan 2022ka u codaynayo insha Allah.

Haddii aan WADDANI u codeeyay, maxaa iga reebay ragga madaxu wareeray? Awalba dan ayaa i keentay. Dhicista WADDANI waxa igaga darnaa laalista Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen ee 8da Nofember 2016ka. Wuxuu ahaa fagaare aan mucaaridnimadii xukuumadda hore ku caabbiyi jiray.

In aan KULMIYE galo aniga oo xukuumadda diiddan ayaan diiday. Midawga NEW UCID iyo KULMIYE wuxuu ahaa fagaaraha keliya ee aan bogaadinta u tegay. Imakana nin aragtidiisa u madax bannaan ayaan ahay. Malaha ergada buurta saaran ayaa qasriga geysan doonta, cid kalena waxba ugama baahna.

Ugu dambayntii, cid kasta oo dhibsata qaraarkaas Gacanlibaax, waxa aan leeyahay “kuwa gaadhay naguma metelaan, nafahooda ayay kaga wakiil yihiin”. Aragtidaydii ayaan hadlay, qolyihii xagjirka ahaa, magacooda ma sheegayo’e, waxa aan leeyahay aynu kala meermeerno.

Xigasho: Siciid Maxamuud Gahayr

Comments

comments