Deg Deg: Siyaasiga Cali Gurey Oo Kabaha La Dul-Maray Beelweynta Garxajis + Siyaasiyiinta Subeer Awal Ee Wadani Ku Jirta

80

Deg Deg: Siyaasiga Cali Gurey Oo Kabaha La Dul-Maray Beelweynta Garxajis + Siyaasiyiinta Subeer Awal Ee Wadani Ku Jirta

Siyaasi Cali Gurey Aya waxa u si adag Uga Hadlay Shirka Beel-Weynta Garxajis oo u kabaha La Dul-Maray Beelaha Habar Yoonis Iyo Ciida Galla

Sido Kala Cali Gurey ayan waxba Ua Hadhin Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Beelaha Subeer awal Ee Taagerta Xisbiga Waddani Amaba Ka Tirsan

Siyaasi Cali Gurey aya waxa u ugu Horeynba Kabaha La Dul-Maray Axmed Like oo aanu waxba Ula Hadhin waxanu Yidhi Sidan

“KUUMA YEEDHINE ADUUN BAA YIMI
Ma wax aan siigo iyo boodh ahayn baa uga soo kordhi lahaa? Hadii laga furtay anigaaba taageesan eh halkaa yaanay u dhaafin. Shirkina noqon waa shir Garxajis hadii uu shir Habaryoonis u dhurtay lafteedana reer walba wuu leeyahay Samotalis iyo Xumotalis. Suldaan Maxamed Xirsi Qani go’aankiisa ugu dambeeya ayuun bay aniga iigu dhantahay. Inta reerkiisa wanaag-doonka ahna isaga ku fayla ayaan kula talin lahaa. Magaca Ilaahay baan ku dhaartaye in nin go’aankiisa mid ka saxsan keeni karaa aanu madasha joogine. Hadii kale kuwii Xumotaliska ahaa ee idiin rari jiray een idiin furi jirinba raaca way joogaane.”

 

sido kala Cali Gureya aya waxa u ka Hadlay Shirka Beel-weynta Garxajis waxanu Yidhi sidan

“Salaadiinta aan ka soo jeedin reerka Garxajis ee ka qayb gasha shir ay mamnuuc ka yihiin dhigooda Habar Awal iyo Habar Jecelo waxay u badheedheen godob ee haddaba ha ogaadeen. Waayo shir dhaqan waa laga duway shir siyaasadeed baa laga dhigay”

Sido Kalah Cali Gureya aya waxa u kabaha La Dul-Maray Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Beel Weynta Subeer awal Ee Ka Tirsan Xisbiga Waddani

“Aniga Ilaahay waa kii aan Waddani i geynin. Oo ma waxan la i odhan lahaa suldaanada reekaaga ma arki karno waayo Habar Awal baanu neceb nahay adigu laakiin okay baa tahay sida Axmed Like?”””

Bal idinku caqligan eega. Reerkaaga waan necebahay oo waa jeegaan nin rag ahi ma ogolaan karaa. Ninka ku leh reerkaaga waa necebahay adiga miyuu ku jecel yahay?

Sido kala Siyaasi Cali Gurey aya eedo Culus U Jeediyey Beelweynta Garxajis waxanu Yidhi sidan

 

WAAR ANIGAA LEH
YAA CIIL QABAAY! CIDNA MA TAAGEERSANA EE WAA MUUSE DIIDXAALKOODU. ARIN INTAA DHAAFSIISAN MA HAYAAN KOR INAY U HADLAANA KUMA DHACAAN WAAYO MUUSE WUXU NOQDAY MADAXWAYNE

 

Shirka Gacanlibaax shir dhaqan iyo shir siyaasadeed mid ha isugu luga duwado labadaba diyaar baa loo yahaye

Comments

comments