’Kaftanka Maanta ,Sir fakatay’’. Axmed Nuur Guruuje

64

‘’ kaftanka maanta ,sir fakatay’’.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye,waxa la Yidhi waaggii xukuumaddii siyaad barre ,ayaa niman gabyaa ah oo reerka daarood ka dhashay meel fadhiisteen,ka dibna markii ay çabaar marqaameen ,ayay jiboodeen ,dabeeto mid baa lasoo booday gabay la odhan jirey ergo daarood ,kaasoo uu ku tiirtiirsiyayo in soomaaliya tahay boqortooyo daarood,daarood na loogga baahan yahay inay difaacdaan .

Gabaygaa hal ku dhigiisu wuxuu ahaa (yaa daarood ismaaciilaheey ,durugtay ceebtiiye) .

Ka dibna bil gudaheed ayuu gabaygi aduunka oo dhan ku faafay ,abwaano badanina kagga jawaabeen .

Dabeeto markii dareen celintiisii la arkay ,ayaa maalin madaxtooyadda laggu soo qaaday ,siddii loo xakamayn lahaa ,dabeeto maxamed siyaad oo sarkaal boolisa ahaan jirey baa yidhi,Kani waa sir fakataye ,inagga daaya loo taag heli maayee .

Imika shirkii burco,ee salaadiintu isku gacan qaaday ,wuxuu noqday sir fakatay ,waxaanu keenay xamaasad iyo ladh xakamayntiisu faraha ka baxday .

Siyaasaddii ,xisbiyaddii iyo aragtiyihii kale oo dhan waxaa ka xoog badiyay dareen ka halkaa kasoo fuufay ,ka dibna aduunka ku baahay .

Siddaa markay tahay ,dawaddu meel keliya bay ku jirtaa ,halkaasoo haddii lagga gubo jiradaasi bugsanayso .

Xalka aan soo dhaweeyee ,waa in XI sbigga kulmiye uu baabi’iyo aragtiddaa laggu qaybsamay ,gudoomiyaha xisbigana ku wareejiyo siyaasi aan u dhalan deegaanadda naanaysta jeegaantu ku baxday .

Iyo in dib loo eeggo awood qaybsigga qaranka guud ahaan ,laguna saleeyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo midnimo qaran .

Comments

comments