Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Cabdi-wali Gaas Kuna Baaqday Dagaal Ka Dhan Ah Puntland

27

Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Cabdi-wali Gaas Kuna Baaqday Dagaal Ka Dhan Ah Puntland

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,ahna afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo)

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,ahna afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa si adag uga jawaab adag ka bixiyey dhawaaqa colaad alooska ah ee uu madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, Cabdiweli Cali Gaas kaga hor-dhawaaqay baarlamaanka Gobolkiisa,siday tabisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

War-saxaafadeedka wasiirku wuxuu u dhignaa sidan:-

“Maamul goboleedka Soomaaliya eeGarooweee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu sisharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaanuguqaado gobollo ka mid ah dhulkaJamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaanahore uayideen ururka midnimada afrika shirkoodiika dhacay Qaahira1964kii, isagoo ku andacoonayaxuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayodaandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doontoinxuduudaha dalalka Afrika aanayahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey ooceeb aanay geyindusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo markadib loo dhugtotaariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkiiSoomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL, sidaas awgeed, waxaanu leenahaydadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah,sidoo kale sidaad kusheegtaymaaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

Waxa kale oo aanuu sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, BuuhoodlenanoqonaynQardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uukursigiisa ku xejisanayoama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanukor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayaganaaanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaansidiilabadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.”Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”

Comments

comments