Deg Deg: Madaxweyne Biixi Oo Safar Xamaasad Badan Ugu Bixi Doona Tuko-Raq Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Taagan Jiide Hore + Safarka Madaxweyne Biixi Oo Ku Beegmay

26

Deg Deg: Madaxweyne Biixi Oo Safar Xamaasad Badan Ugu Bixi Doona Tuko-Raq Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Taagan Jiide Hore + Safarka Madaxweyne Biixi Oo Ku Beegmay

Madaxweynaha Somaliland Oo Safarkii Ugu Xamaasada Badna Ugu Anba Bixi Doona Deegaanka TUKARAQ,Iyo Talaabo Aanay Qaadin Madaxweynayaashi Ka Horeeyey Oo La Sheegay Inuu Qaadayo Maalintan Oo Kale 26 Juune 1960kii Ayey Dawlada Somaliland Madaxbaanindeeda Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska Sanadkastana Waxaa Loo Debaal Dega Maalintan Qiimaha Badan Ee Xoriyada Somaliland Waxaana Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Kusoo Dhoweeyaan Farxad Iyo Damaashad Waana Maalin Xasuus Mudan Oo Jamhuuriyada Somaliland Ka Xorowday Gumaystihii Ingiriiska

Hadaba Sanadkan Ayaa Ah Mid Ka Duwan Xusaskii Hore,Ilo Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Qaranka Somaliland 26 Juune Dabaal Dega Kaga Qayb Gelaayo Magaalada TUKARAQ Ee Jiida Hore,Waxaana Halkaasi Ka Bilaamay Dhaq-dhaqaaqyo Loogu Gogol Xaadhayo Safarka Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftidiisa,

Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Nuux Taani Ayaa Maalintii Shalay Gaadhay Jiida Hore,Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Isagoona Kulamo La Qaatay Saraakiisha Iyo Hogaanka Ciidanka Qaranka Somaliland,Isago Kala Hadlay Qaabkii Ay Ugu Diyaar Garoobi Lahaayeen Xuska 26 Juune,Isla Markaana Ay U Xoojin Lahaayeen Difaaca Xuduudaha,Maadama Oo Madaxweynaha Somaliland La Ciidaayo Ciidanka Qaranka Isaga Iyo Wefti Ka Socota Dawlada Somaliland,

Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Habeen Hore Ku Ruqaansaday Dhanka Xuduudka Somaliland Inkasta Oo Aanay Kala Kulmin,Wax Dhibaato Ah Balse Ciidanka Puntland Ku Abuurtay Walaac Xoogan Iyo Baqdin,

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Hadii Ay U Suuro Gasho Talaabadani Waxaa Loo Aqoonsan Doona Madaxweyne Geesi Ah Isla Markaana Aan Gabashada Iyo Baqdinta Aqoon,Waxaanay Noqon Doonta Taariikh Cajiiba Oo Ku Suntan Xasuusta Shacabka Jamhuuriyada Somaliland

Comments

comments