Deg Deg: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dacwad Ka Dhan Ah Danjire Michael Keating U Gudbiyay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Jawaabta Loo Soo Diray

30

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dacwad ka dhan ah ergayga Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating u gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Madaxweyne Biixi ayaa qoraal u gudbiyay xoghayaha guud 18/6/2018, wuxuu ku sheegay in ergaygu u soo qoray 10 June warqad uu sheegay inay ahayd mid hal dhinac ah oo ay ka muuqato ixtiraam daro, islamarkaana xaqiiqada ka fog. “Mudane, xoghaye, waxaan doonayaa inaan kugu wargeliyo in aanaan ku faraxsanayn warqadii ergayga gaarka ahi uu noo soo diray 10 june 2018, taas oo aanu u aragnay inay ahayd jawaab hal dhinac ah, oo aan sax ahayn, xaqiiqadana ka fog, aan ixtiraam ka muuqan oo aan faa’iido keenayn” ayuu ku yidhi Madaxweyne Biixi warqadiisa.

Wuxuu Madaxwene Biixi sheegay inuu ergayga Qaramada Midoobay u balan qaaday markii ay Hargeysa ku kulmeen bishii hore in Somaliland aqbalayso saddex qodob oo la soo jeediyay oo ah in Tukaraq laga hirgeliyo  xabad joojin, caawimooyinka oo la ogaaldo in dadka la gaadhsiiyo iyo taliyayaasha ciidamada oo wada xidhiidha, haddii uu dhinaca kalena fuliyo. “Waxa uu u muuqdaa” ayuu ku yidhi Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya ergayga , “In uu meesha ka saaray, in Somaliland ay gaadhay nabad iyo xasilooni, nidaam dawladnimo oo taagan iyo dib u dhis dhaqaale, isaga oo si dadban u sheegaya in aanu u baahannay in aanu ka hawlgalno “geeddi socodka  nabadaynta iyo dhismaha dawladnimada” waa khalad, sida uu ergayga  gaarka ahi yeelay, in la sheego in Somaliland ay gelayso geeddi socod noocaas ah.”

Wuxuu Madaxweyne Biixi sheegay in Somaliland 27kii sannadood ee u dambeeyay ay nabadgelyo ahayd jaarkeedana nabad kula noolayd, “Waxa laga aasaasay nidaam dawladeed oob adag oo ay  ku jiraan doorashooyin dimuqraadi ah oo kala duwani oo xor iyo xalaal ahaa kuwaas oo ay cadeeyeen goob-joogayaal caalami ahi.” Ayuu yidhi.

Wuxuu Madaxeyne Biixi xoghayaha guud u sheegay in dib loo dhisay dhaqaalaha Somaliland ee uu burburiyay  nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna xusay inaanay Somaliland doonayn wakhtigan colaad iyo xasarado,  “Laakiin nasiib darro dawladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inay ka go’antahay iyadoo cid kale u adeegaysa [dagaal saddexaad] inay burburso qaabkaas oo ay gobalka qasto.” Ayay u qornayd warqada madaxweynuhu iyadoo intaas raacisay “mudane Xoghaye, waxaanu ku naaloonaynay xidhiidh wanaagsan oo aanu la la’ahayn Qaramada Midoobay, waxaanan rajaynaynaa inaanu sii wadi doono xidhiidhkaas adag. Waxaanu sidoo kale rajaynaynaa in ergaygaaga xilligan iyo mid kale oo mustaqbalka yimaadaaba aanu samayn doonin wax lagu wiiqayo nabadgelyada iyo degenaansnahaha aanu sida adag uga soo shaqaynay.”

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in Somaliland iyadoo Tukaraq joogta ay weli u jirto xuduudeedii caalamiga ahayd qiyaastii 70km, “Arrinta ku saabsan colaadda Somaliya iyo Somaliland ee jiidda Tukaraq, waxaan doonayaan inaan kuu tilmaamo in Somaliland ay u jirto xuduudeeda in ku dhow 70km. Xuduudku waa mid caalami ah oo la dejiyay 1894 ee wakhtigii gumaysiga oo ka dibna lagu xaqiijiyay shirkii Midowga Afrika ee 1964 oo lagu heshiiyay in xuduudkii gumaysigu uu qeexayo xuduudka caalamiga.”

Warqadda uu Madaxweyne Muuse ka cadhooday

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warqadan uu Madaxweyne Biixi tixraacayo ee uu u soo qoray ergayga Qarmaada Midoobay danjire Michael Keating. Sida warqadan ka muuqata wuxuu ergaygu tixraacayaa warqad uu Madaxweyne Biixi xoghayaha guud ee Qarada Midoobay Mr. António Guterres, u diray 28 May oo la xidhiidhay dagaalka Tukaraq ka dhacay. Warqada jawaabta ah ee Mr. Keating ee uu Madaxweyne Biixi sheegay inaanu jeclaysan qaabka ay u qornayd oo ku taariikhaysan 10 june 2018, iyadoo dhammaystiran waxay u dhignayd sidan. “Xoghayaha guud wuxuu iga codsaday inaan kaaga soo jawaabo warqadaadii 28 May 2018 ee la xidhiidhay colaadda Tukaraq.

Xoghayaha guud waxa uu ka niyadjabsan yahay, xilli horukac la taaban karo laga sameeyey geeddi socodka nabadaynta iyo dhismaha dawladnimada Soomaalida, in ilihii milateri ee yaraa, qiimahana lahaa, halkii ay ka ahayd in loo isticmaalo wax-ka-qabashada amni darrada, in loo isticmaalay khilaaf sababaya darxumo weyn iyo in nafo lagu waayo. Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in la fuliyo afartii qodob ee aan kula wadaagay oo ay ku jireen in colaadda la joojiyo, xabad joojin la hirgeliyo, la aasaaso janalo ay ku xidhiidhaan taliyayaasha ciidamadu, iyadoo si buuxda loo ogolaanayo in caawimo bini-aadminimo la gaadhsiiyo  dadka shacabka ah ee ay saamaysay iyo in maxaabiista la sii daayo si kalsooni loo dhiso.”

Arrinta la xidhiidha mawduuca mawiqfka Somaliland, xoghayaha guud wuxuu ku talinayaa inay jiraan qaabab caalami ah oo loo dejiyay  inay raacaan deegaanada doonaya inay gaadhaan aayo ka tashi oo ay aqoonsadaan dalalka beesha caalamku kana mid noqda Qaramada Midoobay. Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqayaa Somaliland inay dib u bilowdo wada hadaladii istaagay ee Somaliya.

Xoghayaha guud wuxuu I faray inaan sii wado inaan dhinacyada kala shaqeeyo in la dhammeeyo colaadda tukaraq iyo inaan fududeeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.”

Comments

comments