War Deg Deg Ah: Boqor Buur-Madow Oo Xuriyadiisi Dib U Helay

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadow ayaa hadda xoriyadiisii dib u helay kaddib muddo billo ah oo uu ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ee caasiamdda Somaliland – sida  uu noo xaqiijiyey boqorka oo aanu khadka telephoneka kula xidhiidhnay hadda.

Boqorka ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay kaddib xukun saddex sanno ah oo ay u jartay maxkamadda racfaanka magaalada Hargeysa.

“Adeer soo bax uunbaa laygu yidhi. waan wanaagsanahay, xoriyadeydiina dib ayaan u helay….”. Ayuu yidhi boqorka oo Barigaafrika wareysi khadka telephoneka ah siiyey.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey boqorka.

Boqor Cismaan Buurmadaw sii deyntiisa ayaa kusoo beegmaysa xlli
xaalladda degaanada Ceelafweyn oo boqorku kas oo jeedo aad u kacsan
tahay waxaana la filayaa in uu  ka qabnto xaaladda colaaddeed ee deegaanka Ceel afweyn.

Comments

comments