Puntland: Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka Difaacay Shirkadda Dahabshiil Eedo Deelqaaf ah oo uu u Jeediyey Xildhibaan Baarlamaanka Puntland ahi

22

Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka Difaacay Shirkadda Dahabshiil Eedo Deelqaaf ah oo uu u Jeediyey Xildhibaan Baarlamaanka Puntland ahi Siyaasiga ruug caddaaga ah ee Cabdiraxmaan Qawdhan, oo muddooyinkii Puntland jirtey baarka sare ee siyaasadda kaga jirey, ayaa hadal ka soo yeeshay Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Saadiq Garaad Abshir, ku tilmaamay deelqaaf aan loo meel deyin. Xildhibaan Saadiq waxa uu, caddayn la’aan iyo caadifad, ula xidhiidhiyey shirkadaha Dahabshiil maalgelinta colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee ciidamadoodu isku haleeleen aagga Tukaraq, isaga oo is-hilmaansiinayey in Dahabshiil dhulalka Soomaalida oo dhan iyo caalamkaba si isku mid ah, oo aan eex lahayn, ugu adeego macaamiishiisa oo Soomaalidu u horrayso. Waxa uu ku canaantay xildhibaan inaanu xildhibaannimadiisa iyo mas’uuliyadda uu hayey milgaheedii marin, isaga oo ku ganay “hadallada noocaasi Oo kala ahna in la keeno Golayaasha Iyo saaxada ma aha runtii”.

Comments

comments