Odayaal Iyo Waxgarad Reer Somaliland Ah Oo Ka Degay Garoowe iyagoo Wata Calan Cad

waxaa maanta Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland gaadhay Waxgaradkaas oo kasoo jeeda tegay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal ayaa waxaa hoggaaminaya Suldaan Abdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Somaliland.

Suldaan Abdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah ogayaasha oo Garoowe yimid ayaan weli ka warbixin ujeedada dhabta ah ee socdaalkiisa ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe, ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq.

Markii uu diyaaradda kasoo degay ayaa Suldaan Abdi Gahayr Maxamud wuxuu luxayey calanka cad ee nabada ku caanka ah, taas oo laga dheehan karo ujeedada safarkaas.

 

Comments

comments