Hordhaca Kulanka World Cupka Ee Labada Xul Peru vs Denmark

115

Peru iyo Denmark oo qeyb ka ah Group C ayaa is fara saari doona kulankooda kowaad ee koobka adduunka.

Qaranka Peru ayaa markii u horeysay kasoo muuqaday tartanka muddo 32 sano kadib.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga : 07:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Bakary Gassama (Gambia)

Garoonka: Mordovia Arena

Wararka labada koox

Xiddiga Peru Paolo Guerrero ayaa taam u ah inuu ku bilaawdo kulanka furitaanka xulkiisa ay koobka adduunka wajahayaan Denmark  kadib markii laga dulqaaday xanibaad saarneed markii lagu helay istimaalka Daroogada.

Ma jiro cayaariyahan dhaawac ka ah Peru kulankan.

Waa jira caariyahano ka dheela Premier League oo kasoo muuqan doona safka qaranka Denmark kuwaa oo kala ah, goolhayaha Leicester Kasper Schmeichel iyo daafaca Chelsea Andres Christensen waxaana labaduba la faliyaa in ay safka kula soo bilaawdaan cabqariga Tottenham Eriksen.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Tani waa markii u horeysay oo ay Peru iyo Denmark ay ku kulmaan koobka adduunka.

Mid kamida wadamii u horeyay ee cayaaray koobkii adduunka ee 1930-kii, Peru ayaa usoo baxday tartankan markii shanaad kadib markii ay garaaceen New Zealand cayaarii bug baxda. Waxayna taa ka dhigan tahay  markii u horeysay oo koobka adduunka cayaaran tan iyo sanadkii 1982, waana wadanka ka qura ee kamida 32 dal ee tartanka dheelaya sanadkan ee koobka ka maqanaada muddo 32 sano ah.

Xulka Peru ayaa tartanka ku wajahay afartii jeer uu hore kaga qeyb galay wadamo ku guuleystay koobka waxayna kala yihiin (Uruguay 1930, Brazil 1970, Argentina 1978, Italy 1982).

Denmark ayaa gaartay wereega bug baxda seddax kamida afartii mar ay kasoo muuqdeen koobka adduunka laakiin marnaba uma aysan gudbin wareega siddeed.

Kaliya labo kamida 16 kulan oo ay Denmark cayaartay koobka adduunka ayaa ku dhamaaday barbaro  8 kulan waa ay adkaadeen halka 6 cayaarna la garaacay. Dhanka kale waxay shabaqa ilaashteen mar kaliya 11-kii kulan ee u dambeysay tartanka, waana cayaar ay ka hor tageen France sanadkii 2002  oo ku dhamaatay 2-0.

Intii lagu guda jiray kulamada isreeb-reeb xiddiga Christian Eriksen ayaa ku lug lahaa 56% boqolkiiba goolasha Denmark wuxuu dhaliyay 11 gool halka uu caawiyay 3 kale lix kamida goolashiisana wuxuu ka dhaliyay banaanka diilinta ganaaxa.

Shaxda Macquulkaa ee Peru vs Denmark.

Comments

comments