HORDHAC: Russia vs Saudi Arabia, Cayaarta Furitaanka Koobka Adduunka iyo Wax kasta aad Kaga Baahan Tahay ?

Dareenka Caalamka oo dhan ayaa maanta kusii jeeda Dalka Russia oo uu ka bilaabanayo Tartanka ugu Weyn kubbadda cagta adduunka ee FIFA World Cup 2018 ama Koobka Adduunka 2018.

Waxaa laga joogaa 1432 maalin oo u dhiganta 4 sano markii uu  Mario Gotze watiga dheeriga uu goolka guusha u dhaliyay xulka heysta koobka adduunka ee Germanya cayaartii kama dambeysta ee Finalkii 2014 kaa oo ka dhacay gegiga Maracana ee dalka Brzail.

Sanadkan 2018 Marti galiyaasha koobka adduunka ee Russia iyo Saudi Arabia ayaa furi doona cayaarta koowaad ee tartankan dunida ugu qiimaha badan.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 06:00 Maqribnimo ee Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Nestor Pitana (Argentina)

Garoonka: Luzhniki Stadium

Wararka Labada Koox.

Russia ayaa u yeertay daafaca 38 jirka ee Sergei Ignashevich kaa oo ka fariistay cayaaraha caalamiga sababatoo ah waxa ka dhaawacan dhawr daafac isagoo la filayo inuu kusoo bilaawdo safka.

Xiddiga Aleksandr Kokorin ayaa ku seegaya tartankan dhaawac jilibkaa sidaa darateed waxaa weerarkooda noqon doona Fedor Smolov.

Macalinka Saudi Arabia Juan Antonio Pizzi wuxuu wajahayaa dhibaato weerarka.

Mohammed Al-Sahlawi iyo Muhannad Assiri ayaa labaduba caab cayaareed liita soo bandhigay kulamadii diyaar garowga.

TODOBADA KULAN XARIIR AH WAX GUULA MAGAARIN XULKA MARTI GALIYANA KOOBKA ADDUUNKA EE RUSSIA

Xaqiiqooyinka cayaarta.

Fool ka Fool

Saudi Arabia ayaa ku badiyay 4-2 kulankii u dambeyay ee gurigooda, wuxuuna ahaa cayaar saaxiibtinimo oo dhacday bishii October 1993.

Russia

Tan iyo burburkii Midowgii Soviet , Russia marnaba ma gaarin wareega Bux baxda ee koobka adduunka saddax jeer oo ay cayaareen oo kala ah (1994, 2002, 2014). Waxa ayna ku dhameysteen kaalinta seddaxaad ee Groupkooda mid kasta oo kamida tartamadaas.

France waa dalkii u dambeyay ee ku guuleysta koobka adduunka isaga oo marti galinya 1998. South Africa, oo tartanka lagu qabtay sanadkii 2010, waa marti galiyaasha kaliya ee ku haray heerka group-ka.

Russia waa guul la’aan shantii dheel ee u dambeysay koobka adduunka waana 2 barbaro iyo, 3 guuldraa. Kaliya labada guul ay koobka adduunka ka gareen iyagoo ah dal madax banaan waxay ka badiyeen wadamo Afrikaana waana Cameroon oo ay kaga adkaadeen 6-1 1994 iyo 2-0 oo ay ku gareen kooxda Tunisia 2002.

Hadii uu cayaaro, Sergei Ignashevich wuxuu noqon doonaan cayaariyahankii ugu da’da weyna Russia ee kasoo muuqda koobka adduunka wuxuuna jiraa 38 sano, 335 maalin, isagoo dhaafi doona Lev Yashin oo rikoodh kaas ku heysta 36 sano iyo 279 maalin.

Saudi Arabia

Tani waa markii shanaad oo ay Saudi Arabia cayaarayaan koobka adduunka, iyo markii u horeysay tan iyo sanadkii 2006. Waxay ku dhameysteen kaalinta u hoseysa ee groupkooda seddaxdii mar ee u dambeysay tartanka cayaaraha adduunka.

Saudi Arabia waa guul la’aan todobakoodii dheel ee u dambeysay koobka adduunka, tan iyo markii ay Belgium ku garaaceen 1-0 sanadkii 1994.

Iyagu marnaba ma badin kulankooda furitaanka ee koobka adduunka waana mar barbaro iyo seddax guuldaraa.

Saudi Arabia ayaa mar kaliya shabaqa ilaashtay 13 kulan oo ay cayaareen koobka adduunka. Waxay ku fashilmeen in ay gool dhaliyaan todobo kamida sagaalkii kulankan ee u dambeysay tartanka.

Xulka Saudi ayaa guuldareystay siddeed kamida sagaalkoodii kulan oo ay la cayaareen koobka adduunka xulalka qaarada Europ, guushooda kaliya ay ka gareen waxay aheyd cayaar uu goolka guusha dhaliyay Saeed Al-Owairan kulan ay wajaheen Belgium sanadkii 1994.

Mohammed Al-Sahlawi wuxuu ka dhaliyay 16 gool kulamadii isreeb-reeb –waana mid uu kaga badan yahay cayaariyahanka walba, inkastoo uu siddeed gool ka dhaliyay labadii kulan ay la cayaareen Jaziirada Timor-Leste.

Shaxda Macquulkaa ee Russia vs Saudi Arabia.

Comments

comments