Sheeko Xiiso Badan ‘’ Gaashaan Maal ,Sheeko Gaaban‘’. W/Q Axmed Nuur Guruuje

151

‘’ gaashaan maal ,sheeko gaaban‘’.

Sanaddii 1878 ,deegaanka ceel-caanood ee waqoyigga dacar budhuq ,waxa booqasho ku yimi swayne oo ahaa sarkaal milateri iyo sahamiye ka tirsanaa dawladdii ingiriiska ka dibna waxay halkaa Kulmeen shirre sharmaarke .

Isagoo kulankaa ka hadlaya wuxuu yidhi swayne ‘’ waxay Wateen Fardo ,nin waliba wuxuu sitay labba Waran iyo gaashaan ,dhexdana waxaa ugu xidhnayd bilaawe ,go na madaxa ayuu ku duubnaa .

Fardihii bay naggu wareejiyeen ,Ana dhexda ayay I geliyeen ,ka dibna waxay qaadeen hees sidan macnaheedu yahay .
Ma jirto cid anaga nala mid ihi ,
Fardahayagu waa kuwa ugu wanaagsan ,waxaanay u hadaan sidda dabaysha .
Ma jirto cid u dagaalanta sidayadda oo kale ,
Odayaashayaddu waa waxgarad ,dhalinyaradayaddu waa libaaxyo ,gabdhahayaguna waa kuwa aduunka ugu qurxoon .

Intaa ka dib ,shirre wuxuu igu yidhi ,waar yaa ninkaagga farenji ,maxaa dalkayagga ku keenay ,Ana waxaan ugu jawaabay ,in aanu wadno safar aanu ku ilaalinayno wadooyinka safarka oo nabadgelyo .

Ka dibna odaygu wuxuu yidhi ‘ u sheeg dawladda ingiriiska in aanay noo maqlin ashtakadda beelaha ,anaguna aanu nahay dad aan dhibaato gaysan .

Dabeeto odaygii waxaan u balan qaaday in aan warkiisa gudbinayo ,taasoo odaygu soo dhaweeyay ,hassa yeeshee waxaan si wayn uga war hayay in beesha cabdale isaxaaq ay tahay beesha ugu dhaca iyo dagaalka badan dhulkan .tixraac Bogga 88 ee buuga seventeen trips through somaliland .

Sanaddii 1911 ayaa dawladdii ingiriisku go aansaatay In ay ka guurto dhulka somaliland ,marka lagga Reebo dhulka xeebaha ah ,dabeeto beelihii oo intii dawladdu joogtay kala nabad galay ayaa isku jeestay,waxaana dhacday colaado is Daba jooga oo la baxay xaaraame cunne .

Hadaba guurista ingiriiska ,isagoo soo dhawaynaya ,nin la odhan jirey ducaale hangool Maleg oo ahaa abaanduule iyo geeraashe caan ahaa kana tirsanaa beesha isaxaaq wuxuu yidhi ,

Xafiiskii la gelaayiyo
Dawladdii na guhaantiyo
Askartii gudbanaydbaa
Dadku uu isku gaadhaye

Bagaa Gaaladdi guurtayooy
Gaashaan maal noqotay .

80 sanno ka dib xaaraame cunne 1992 .

Marka lagga hadlayo cilmigga saadaasha iyo xidigiska soomaalidda waxa la yidhaahdaa ‘sideed jir iyo sidéen jir midna sabadooda Kama taggo ‘taasoo looga jeeddo sidda odayga sideetan jirka ah iyo ilmaha iyo sideed jirka ihi aanay sabadooda u dhaafin ayaanay saadaasha labadan xilina isu badalin .

Hadaba burburkii dawladdii soomaaliya ,ama horaantii sagaashamaadkii ,geyiga somaliland wuxuu dib ugu laabtay marxaladdii xaaraame cune ee sideetan sanno ka hor .

Siddii waagaa horre gaalku sheegayna beeshii isaxaaq waxay mar kale noqotay ta ugu boobka iyo dhibka badan .

Haddii waagaas la sheegay Fardo sidda haadda u duula ,waxaa soo baxay wiilal ku gaashaaman baabuurta teknikadda oo wadan jiray baabuur isu wadda eeg oo leh magacyo ay ka mid ahaayeen ,

Malawgga ,

Miiraashka ,

Macdaarka ,

Hadhwaa ,

Duufaan

Siikaawigga cas iqk .

Baabuurtani waxay caan ku ahaayeen ,qorigga loo yaqaano zukwigga ,ciidamaddii faqashtuna u bixiyeen suurya-boob ,waagaasna hargaysa loogga yaqaanay suug isaxaaq ,kaasoo Ilaa caruurta yaryari dhawaaqiisa baratay .

Maalmahaas maalin ka midda oo Jimce ah ayaan qaatay khamiis iyo cumaamad wayn oo aabahay lahaa ,ka dibna cumaamadii ayaan isku Maray oo aan dhulka jiiday anoo aad u yaraa ,dabeeto nin wayn oo wadada marayay baa igu yidhi ,isagoo ila kaftamaya bal wadaadkan yar egga ,markaasaan idhi dee wadaad waaban ahaye ,markaasuu hadana yidhi qolomaad tahay ,markaasaan idhi isaxaaq baan ahay ,mar keliya ninkii dhamaa intuu booday buu yidhi ,isaxaaq baan ahay iyo wadaad kala daa isma qabtaane .

Ugu dambayntii waxay gaadhay ,kaftankii sokeeyahu markuu socday in madaxwayne cigaal yidhi ,inamadda isaxaaq halkay ka dagaalamayaan iyo xabadooda waan aqaanaa .xaaji cabdi waraabena shirkii xarshmeed ee 1996 ee yidhi , dawladdu dhanka isaxaaq bay ku dhimatay .

Ugu dambayn nabadda sidda loo kala jecel yahay maaha sidda loo kala nugul yahay .

Comments

comments

SHARE