Deg Deg: Madaxweyne Gaas Oo Xilal Ka Qaaday Taliyaasha Ciidamada Puntland

53

Deg Deg: Madaxweyne Gaas Oo Xilal Ka Qaaday Taliyaasha Ciidamada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa ka soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.
Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Comments

comments