Deg deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Imika Baaq Culus Diray Iyo Cida Uu Direy

33

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay shacabka dhib ku qabeen, kaddib markii ay ciidamada xireen jidad dhowr ah.

Qoraal kooban oo uu madaxweynuhu soo dhigay  bartiisa Twitter-ka  ayuu ku sheegay “Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”.

Baraha Bulshada ayaa waxaa hareeyay doodo ku saabsan xirnaanshaha waddooyinka oo dadka meelaha qaar laga celinayo, sidoo kalena gaadiidka lagu amrayo inay kala wareegaan, waxaana cabashada dadweynaha ay timid, iyadoo loo diyaar garoobayo maalmah Ciidul Fidriga oo fooda nagu soo heyso.

Comments

comments