Paulo Dybala oo xiiseenaya in Pogba uu dib ugu soo laabto kooxda Juventus

 Da’ayarka rere Argantina ee Paulo Dybala ayaa wuxuu ka hadlay xiriirka uu la leeyahay khadka dhexe kooxda Manchester United Pogba.

Paulo Dybala ayaa wareysi uu siiyay shabakada “Premium Sport” wuxuu kaga warbixiyay in wali xiriir wanaagsan uu la leeyahay xidiga reer France ee Paul Pogba.

“Waxaan wali xiriir wanaagsan la leeyahay Pogba, xitaa marka uu u soo dhaqaaqay horyaalka Premier League, waxaa is faham xoogan aan la lahaa Pogba”.

“Rajada ku aadan in Pogba uu dib ugu soo laaban karo Juventus aad ayay ii farxad galineysaa, sababtoo ah waxaan ku laabaneynaa inaan wada sameyno tababarka”.

Si kastaba Paul Pogba ayaa wuxuu qeyb kasoo ahaa kooxda Juventus mudo dhan 4 sano, inta u dhexeesay 2012 ilaa iyo 2016, ka hor inta uusan ku laaban Manchester United xagaaga 2016.

Comments

comments