Xulka Belgium oo ku Raaxeystay dhigooda Egypt kadib kulan Saaxiibtinimo oo ay Wada Qateen

32

Qaab cayaareed sare usoo bandhigay xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ka caawiyay qaranka Belgium inay guul sahlan ka gaaran xulka Egypt kadib cayaar ku dhamaatay 3-0.

Hazard ayaa dhaliyay goolka kowaad ee cyaarta halka labada gool kale ay dhaliyeen xiddigaha Manchester United Romelu Lukaku iyo Marouane Fellaini.

Belgium ayaa wajihi doona kulanka u dambeya ee Group G xulka England maalin kahmiista taariikhduna ay ku began tahay, 28 June.

Xulka Egypt waxaa kulanka ka maqnaan cayaariyahankooda muhiimka ah ee  Mohamed Salah kaa oo ka kabanaya dhaawicii ka gaaray garabka finalkii Champions League ay la cayaareen kooxda Real Madrid 26 May.

Dries Mertens iyo laacibka Manchester City Kevin de Bruyne ayaa sido kale ka dhex muuqday dheesha iyadoo macalinka England Gareth Southgate uu ka walwalsan yahay cayaariyahanada ka xamaasha Premier League oo ay isku farasaari doonaan koobka adduunka.

Comments

comments