Lionel Messi: “Waxay igu noqotay layaab is casilaada Zinedine Zidane”.

Xidiga koxoda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan inuu ka baxayo Cristiano Ronaldo kooxda Real Madrid

Sida uu shaac ka qaaday wargeyska Mundo Deportivo Lionel Messi ayaa sheegay: “Ma aqaano waxa ku dhacay Cristiano Ronaldo uu arintan kaga hadlay xiligan”.

“Kama hadli karo sababtoo ah kama war qaba waxa uu xiligan ku fikirayo xidiga kooxda Real Madrid, mana garanayo sidoo kale inuu ka tagi doono garoonka Santiago Bernabéu ama uu sii joogi doono”.

Kabtanka xulka qaranka Argantina ayaa wuxuu dhinaca kale ka hadlay is casilaadii tababare Zinedine Zidane: “Aad ayaan u la yaabay sababtoo ah ma jiro qof rajeyneesay inay sidaas dhici doonto, laakiin waxaa jirta sababaha go’aankan ku dhaliyay, balse ma garanayo waxa dhacay.

“Zidane wuxuu kaga tagay Real Madrid si wacan kadib mud uu kooxda kusoo sugnaa, wuxuu ku guuleestay wax walba, mana jirto cid eedeyn karta”.

Comments

comments