“Nasiib-darro dagaal aynaan u baahnayn baa ka dhex dhacay Somaliland iyo Soomaaliya, maanta Somaliland iyo Soomaaliya dagaal umay baahnayne waxa aynu u baahnayn inaynu iska kaashanno si aynu dhibaatooyinka abaaraha, biyo la’aanta, iskuul la’aanta, caafimaad-darrada iyo shaqo la’aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu taas ayuu ahaa inay jaararkeeda nabad u fidiso oo wax wada-qabsi u fidiso oo aynu jaarnimo wanaagsan ahaanno dhinac walba, Soomaaliya-na taas uun baanu ula soconnay oo aanu ka rabnaa maanta, shalay iyo mar walba.” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments