Deg Deg: Xukuumada Somalia Oo Ugu Deeqday 1 milyan ugu deeqday dadkii ay duufaannadu ku dhufteen ee Somaliland

30

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Somaaliand iyada oo ku deeqday $1 malyan dollar oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag hal milyan oo dollor ah u qoondaysay gobollada Awdal iyo Woqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha roobabka dabaylaha wata ay ku dhufteen.

Roobabkan iyo dableylaha is wata ayaa saameyn ku yeeshay dad iyo duunyo marka la eego qeybo badan oo ka mid ah deegaannada Soomaliland iyo Puntland.

Comments

comments