Somalia: Talyaaniga Oo Gawaadhi Heer Caalami ah Ku Wareejiyey Xukuumada Farmaajo + Shaqada Ay Qaban Doonan

27

Somalia: Talyaaniga Oo Gawaadhi Heer Caalami ah Ku Wareejiyey Xukuumada Farmaajo + Shaqada Ay Qaban Doonan

Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaadhi oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaadhida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xidhan yihiin Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka iyo Fureyaasha Gawaadhidaan, waxaana Safiirka warbixin uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guutoBashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Taageerada weyn ku bixiya dhismaha Ciidanka xooga dalka Somaliyed, waxeyna dhowr jeer; Gaadiid, Dhar iyo agab kaleba ay ugu deeqday Ciidanka Dowladda qeybihiisa kala duwan.

Comments

comments