Deg Deg: Maamulka Puntland Oo Qorshaysay Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Somaliland O Ciidamo Quwad Leh Geysay Gobalka Sool + Xaalada Tuko-Raq

34

Deg Deg: Maamulka Puntland Oo Qorshaysay Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Somaliland O Ciidamo Quwad Leh Geysay Gobalka Sool + Xaalada Tuko-Raq

Dawlada Puntland Oo Qorshayaysa Dagaal Ah Laba Daran Mid Dooro,Iyo Dawlada Somaliland Oo Ciidamo Cabsi Geliyey Ku Daabushay Gobolka SOOL
Deegaanada Gobolada Bariga Somaliland Waxaa Weli Ka Taagan Xiisad Dagaal Oo U Dhaxaysa Somaliland Iyo Puntland,Maalmihii U Danbeeyey Waxaa Laga Dareemaya Dhaq-dhaqaaq Ciidan Kuwaas Oo Lagu Daabulaayo Jiida Hore Ee TKARAQ,Halka Dawlada Puntland Ay Ciidamo Soo Dhoobtay Goob 30KM U Jirta Ciidamada Qaranka Somaliland

Dawlada Somaliland Ayaa Ciidamo Xoogan Dhigtay Deegaanada Gobolka SOOL,Kuwaas Oo Qayb Ka Ah Difaaca Qaranka,Ciidamadan Ayaa Bilaabay Sidii Ay Isku Dhex Gelilahaayeen Dadka Shacabka Ah Ee Degan Deegaanadaasi,Iyaga Oo Halkaasi Ka Fuliyey Dhismayaal Horumarineed Kuwaas Oo Isugu Jira Malcaamado Iyo Xarumo Caafimaad

Dadka Kunool Deegaanka TUKARAQ Ayaa Ka Barakacay Agagaarka Deegaankaasi Iyaga Oo Ka Cabsi Qabo,In Mar Kale Deegaankaasi Uu Ka Qarxo Dagaal Xoogan Kaas Oo Saamayn Ku Yeelanaaya Dadka Degan Halkaasi

Dawlada Puntland Ayaa Qorshaynaysa Inay Soo Qaado Dagaalkii Ugu Cusla Ee Ay Abid Ku Qaado Ciidanka Qaranka Somaliland,Kaas Oo U Jeedkiisu Yahay Inay Qabsato Gobolka SOOL,Ama Ay Kaga Quusato,Gobolkaasi

Sidoo Kale Waxaa Magaalada Garoowe Soo Gaadhay Ciidan Gurmada, Oo Ka Socda Maamulada Ka Jira Dawlada Somaliya Kuwaas Oo Xoojinaaya Dagaalka Ay U Puntland Ku Qaadayso Somaliland,

Comments

comments