Deg Deg: Waa Kuma tobabaraha Cusub Ee Kooxda Real Madrid

Germany coach Joachim Loew looks on from the sidelines during the Euro 2016 Group C soccer match between Germany and Poland at the Stade de France in Saint-Denis, north of Paris, France, Thursday, June 16, 2016. (AP Photo/Martin Meissner) ORG XMIT: PW173

 Real Madrid ayaa wali baadi goob ugu jirta tababarihii ay ku buuxin lahayd booskii uu baneeyay Zidane oo ka tagay kooxda.

Liiska tababareyaasha diirada u saarnaa Real Madrid waxaa ku jiray tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low.

Sida ay baahisay idaacada Onda Cero kooxda ayaa ka saartay liiskeeda tababare Joachim Low maadaama kooxdu aysan magacaabi karin ilaa uu ka dhamaanayo koobka adduunka.

Maamulka Real Madrid ayaa doonaya inay si dag dag ah u magacaabaan tababare cusub kaas oo sii bilaaba shaqadiisa kooxda, waana sababta Joachim Low looga saaray liiska tababareyaasha ay doonayso Real.

Joachim Low ayaa diyaar noqon kara wixii ka daneeya 17-July, waana in kabadan bil iyo bar, sidaas ayeey Real Madrid ku go’aan satay in liiska laga reebo tababaraha reer Jarmal.

wargane.com

 

Comments

comments