Deg Deg: Sheekh Caan Ka Ah Dhulka Somalidu Degto Oo Xalay La Dilay + Goobta Lagu Dilay

72

Deg Deg: Sheekh Caan Ka Ah Dhulka Somalidu Degto Oo Xalay La Dilay + Goobta Lagu Dilay

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramaya in xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ahaa culimada ugu caansan gobolka.

Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee degmada Baardheere.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilka marxuumka waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilay ka baxsadeen halkii ay falkaas ka geesteen, ciidamada amaanka ayaan ku guleysan soo qabashada ragga dalka geystay.

Comments

comments