Sababta Keentay In Somaliland Laga Reebo Sannadkan Dalalka Aan La Aqoonsan Iyo Fursadda Weyn Ee Ku Seegaysa

Dhibaato Ay Hore Horumarka Ciyaaraha Ugu Gaysatay Wasaaraddii Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Ee Xukuumaddii Siilaanyo Oo Maanta Midhaheedii La Gurtay   

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gabi ahaanba laga saaray Liiska waddamada dalalka adduunka ee aan la aqoonsan ee ka qayb gali lahaa koobka kubadda cagta adduunka ee dalalka aan la aqoonsan oo dhawrkii sanaba mar la qabto oo sannadkan lagu qabanayo dalka Ingiriiska. Waxaana koobkan soo qaban qaabiya xidhiidhka kubadda cagta dalalka aan aqoonsi caalami ah haysan ee loo soo gaabiyo CONIFA.

Somaliland ayaa ka qayb-gashay tartankii ugu dambeeyey ee CONIFA ee laba sannadood ka hor lagu qabtay waddanka Abkhazia, halkaas oo xulkii qaranka Somaliland uu wacdaro ka dhigay, isla markaana warbaahinta dunida kusoo jeediyey qaddiyadda Somaliland oo dad badan oo aan hore u maqal ay wakhtigaas barteen.

Ma jiro war kasoo baxay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee UK oo sannadkii 2016 abaabulay kooxdii ka qayb-gashay Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA oo ay ka mid ahaayeen afar ciyaartoy oo Hargeysa ka tegay iyo inta kale oo waddanka Ingiriiska laga kexeeyey, hase yeeshee, ciyaaryahannadii sannadkaas ka qayb-galay ayaa niyadjab ka muujiyey in dalkooda oo ay dunida bareen uu hadda ka baaqanayo koobkaas.

Wasaaradda ciyaaraha ayaa 2016 waxay si adag uga soo horjeedsatay xulkii Somaliland ee wakhtigaas ka qayb-galay tartanka, waxaana uu Agaasimihii wakhtigaas oo hadda jooga wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Maxamed Xuseen Dhabbeeye uu ku tilmaamay inay dembi qaran galeen, isla markaana la xidhxidhayo markay ciyaartoygu soo laabtaan, hase yeeshee, xukuumaddii Siilaanyo ay canaan badan ugu jeedisay go’aanka khaldan ee Wasiirka ciyaaraha iyo agaasimuhu qaateen.

Ciyaaryahannadii wakhtigaas tegay Abkhazia,  ayaa sheegay in niyad-jabkii ay qaadeen laba sannadood ka hor ay weli kasoo kaban la’yihiin oo masuuliyiintoodii khaayimiin dalkooda dembi ka galay ku sifeeyeen. Waxa kale oo ay sheegeen in tartanka sannadkan ay Somaliland ka baaqatay ay wasaaradda ciyaaruhu leedahay dembigeeda oo aanay ka hawl-gelin.

Guddoomiyihii hore ee guddida Olambikada Somaliland, Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ahaa raggii sida adag uga shaqeeyey in 2016 ay Somaliland ka qayb-galo tartanka CONIFA, kuna guuleystay loollankii ay u galeen, ayaa xusay in sannadkan looga dheereeyey loollanka ka qaybgalka oo waddan kale la geliyey halkoodii. Sababta somaliland looga reebay ayaa u muuqata xidhiidhadii ay wasaaraddii dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumaddii hore ka daba dirtay ciyaartoygii ay qurbe joogtu tartankaasi ka qayb galiyeen oo ay ku sheegeen kuwo aan matalin somaliland iska daba hadalkaasi iyo masuuliyad darradaa ay wasaaraddu hore u samaysay ayaa keenaya in sannadkan Somaliland laga reebo tartankaasi.

Tartankan oo sannadkan si aad ah magaciisu sare ugu sii kacay, waxa ciyaarta finalka qaban doona Mark Cluttenberg oo ahaa garsooraha ugu wanaagsan guud ahaan waddanka Ingiriiska, haddana ah guddoomiyaha garsooreyaasha waddanka Sucuudiga. Ciyaaraha sannadkan ee CONIFA waa ay ka magac weyn yihiin kuwii ay Somaliland wacdaraha ka dhigtay, waxaana si aad ah loogu qaadaa dhigi doonaa guud ahaan warbaahinta dunida gaar ahaan kuwa Ingiriiska. Warbaahinta dawladda Ingiriiska ee BBC oo iskugu jirta idaacado, telefishano iyo website-yo ayaa si weyn wax uga qoray tartankan, waxaana ay si gaar ah u falan-qeeyeen dalalka ka qayb-galaya oo mid walba ay taariikhdiisa, qaddiyadiisa iyo waxa uu ku doonayo madax-bannaani iyo aqoonsi ay dunida u bandhigeen.  Punjab oo ka mid ah dhulweynaha waddanka India, hase yeeshee dadka kasoo jeeda gobolkaasi ay ka badan yihiin 125 milyan oo qof ayaa indhaha warbaahinta si weyn u haysata, waxaana xiiso usii yeelay xulkooda oo ay ka mid yihiin Injineero iyo dad magac leh oo iskood uga shaqaysta waddanka Ingiriska.

Muddada Uu Soconayo iyo halka lagu qabanayo

Bilow: 31 May

Dhamaadka: 9 June

Goobta: London, UK

Waddamada sannadkan ka qayb-gelaya

Abkhazia, Barawa, Cascadia, Ellan Vannin, Kabylia, Karpatalya, Matabeleland, Northern Cyprus, Padania, Panjab, Székely Land, Tamil Eelam, Tibet, Tuvalu, United Koreans in Japan iyo Western Armenia.

………….

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments