Somalia: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Ridayo, Ka Dib Go’aankii Lidka Ku Ahaa DP World

????????????????????????????????????

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulan ay isugu yimaaddeen xildhibaanno boqol kor u dhaafaya oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cisman (Jawaari).

Sida ku cad qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, guddoomiye Jawaari ayay xildhibaanadani ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taas oo ay sheegeen in ay waxyeeli karta waxay ugu yeedheen ‘qarannimada Soomaaliya’.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen xad-gudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab-dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari wali kama hadal eedeymaha uu xambaarsan yahay mooshinkan oo la sheegay in xildhibaanadu ay u gudbiyeen ku xigeenka koowaad ee guddoonka baarlamaanka.

Kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka markii uu furmayay ayaa guddoomiye Jawaari waxa uu soo taxay hindise-sharciyeedyo badan oo ay ahayd in golaha fulinta uu u soo gudbiyo baarlamaanka, kuwaa oo uu sheegay in aanan wali la soo gudbin, waxaanu ka codsaday golaha fulinta in arrintaasi ay soo dedejiyaan.

Mooshinkan ayaa ku soo beegmaya 3 Maalmood ka dib, markii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Go’aan ay Shirkadda DP World kaga mabnuucayaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka xun heshiiska Shirkaddu la gashay Jamhuuriyadda Somaliland ee ay Maalgelinayso Dekedda Berbera.

Comments

comments