Nin Ka Mid Ah Ganacsatada Darroogada Ee Denmark Oo Adeegsaday Baabuurka Bileyska !

Nin u dhashay Dalka Denmarka oo ku caan baxay ka ganacsiga darroogada ayaa ku kacay arrin aad u layaab badan.

Ninkan ayaa waxa uu raacay mid ka mid ah baabuurta Bileyska ee Cobenhegan sida ay ciidammada Bileyska ee magaaladaasi sheegeen, Ninkani ayaa waxa uu sitay Kun xabo oo maandooriye ah, balse nasiib wanaag askartii ayaa isla markiiba gacanta ku dhigtay maadaama oo isagu doontay.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Xaafada Ciristiania ee Maagalada Cobenhegan, xaafadan ayaa waxay caan ku tahay ganacsiga maandooriyaha, sidoo kalena waxa la sheegay inay iskeed isku maamusho oo ciidammadu ay la liitaan dhibaatooyinka ka dhasha xaafadaasi iyo sidoo kale Dadka maafiyada ah ee hoyga ka dhigtay.

Comments

comments