Cajiib: Kaftanka maanta , Arrintii Xamar halkee la isla dhigay ? Axmed Nuur

Kaftanka maanta , Arrintii Xamar halkee la isla dhigay ? =

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii Kacaankii M S Barre calan-walaynayay , ayaa qofkii ka fikir duwanaada kacaanka ama aragtidiisa la qoonsadaba waxaa laggu eedayn jirey , hebel waa kacaan diid iyo kacaan diidnimo ayuu waddaa .

Kacaanka iyo kacaan diidkuna cabir sugan oo la isla yaqaanaba may lahayne , qofkii la arko in uu saluugsan yahay sidda wax u socdaanba wuxuun baa la iska odhan jirey hebel waa kacaan diid , sidaas ayaana hal-door badan oo qaybaha kala duwan ee Qaranka ka tirsanaa ku noqdeen kacaan diid la dayriyay .

Waxba yaan hadal hadal idinku daaline , dagaalkii 1977 ee Soomaliya iyo Itoobiya , ayaa markii xaaladu adkaatay loo baahday raggii buulka la dhigay ee ruug-cadaadiga ahaa , kacaan diid kay doonaanba ha iska ahaadaane .

Raggii awal isha lagga lalinayay ee lagga maarmi waayay waxaa ka mid ahaa , nin la odhan jirey , Ibraahin Rooble Warfaa ( Doonyaale) oo ku takhasusay cilmiga sahayda ( Logistics) iyo Maxamed Xaashi Diiriye Lixle , isna ku takhasusay Cilmiga Makaanikada Taangiyada dagaalka .

Dabeeto maalin maalmaha ka midda ayaa Doonyaale , wuxuu hargaysa ku arkay Taliskii ciidanka ee Hargaysa , markaasuu isagoo la yaaban , isbadalka dhacay wuxuu yidhi ” waar niman yahaw , ma Soomaalidiibaa wadda kacaan noqotay , mise kacaankiibaa Soomaali noqday ” .

Imika waa halkaase , intii ololuhu socday tirroba dhawr jeer baa la maqlay iyadoo Xisbiga Waddani laggu eedaynayo Soomaali wayn buu ku xidhan yahay ama doonayaa , markaa waatan maanta odayadii is eedayn jirey is laab xaadheene , tolow arrintii xamar halkay isla dhigeen , ma Wadddanigiibaa xamartii laggu eedayn jirey kasoo xoolo barkhadoobay , mise kulmiyaa dacaayadiisii ka tanaasulay !

Comments

comments