Somaliland: “Nin Xanaaqasan Uun Baa Aflegaadoon Jiray Laakiin Aflegaado Laga Soo Shiray Oo Warqad Laga Akhriyayo Aniga Waxaa Iigu Horreysay Tii Dorraad”

102

“Markii Uu Axmed Siilaanyo Talada Dalka Bil Hayay Ayuu Dhismaha Wadada Dila Dhagaxa Dhigay, Muusena Iyada Oo Aan Weli La Dooran Ayuu   Wadadii Jabbuuti Bilaabay” WAsiir Cukuse

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka jawaabay Hadallo Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ku duray dhiggiisa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Cukuse waxyaabaha uu ka hadlay Cirro ku tilmaamay Aflagaaddo, isagoo sheegay inaanu Cirro ka hor arag Aflagaaddo Warqad laga akhriyayo, sida uu Wasiir Cukuse Hadalka u dhigay.

Sidaa Wasiir Cukuse wuxuu ku sheegay hadal uu ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama oo Wasiirro uu ka mid yahay iyo Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi ololohooda maalinta saddexaad shalay kaga qaybgaleen Boorama. “Marka hore waxaan idinku hambalyaynayaa dadka farahan leh ee quwaddan leh ee maanta KULMIYE taageersan, waxaan leeyahay quwadiinna Hargeysa oo caasimaddii ah baa yaabtay. Quwadiinuna waxay calaamad wanaagsan u tahay in KULMIYE soo baxay. Waxaan doonayaa marka hore inaan mid xuso taasoo ah; KULMIYE waa run sheeg, waa wax qabad, KULMIYE waa talo qabeen, intaasba saddex markhaati baan u haystaa, waxaanay kala yihiin:- KULMIYE markuu Axmed Siilaanyo talada dalka bil hayay ayuu wadada Dila dhagaxa dhigay, Muusena iyada oo aan weli la dooran ayuu Wadadii Jabbuuti bilaabay,  mida labaad, magaalladani waa magaalladii Aqoonta waa magaalladii ay jaamacadda dalka ugu weyni ku taallo taasoo ay intii xisbiga KULMIYE joogay ay sii tisqaaday., Boorame waa meesha Hargeysa dhakhtarka looga soo doonto. Sidaas oo ay tahay KULMIYE waxaa uu ballan qaadayaa inta dambe ee  hadhayna intii hore siduu uga dhabeeyey in uu  uga dhabeeyo”. Sidaas ayuu yidhi WAsiir Cukuse, waxaana uu intaa kudaray “Mid baan idinkana [reer Boorama] xaal idinka siinayaa, Magaalladani waa magaalladii aqoonta, ee codka iyo dadka iyo faruhuba joogeen, Xisbiga WADDANIna intuu shalay halkan idiinku yimi ayuu idiinku khudbadeeyey rabshado iyo aflegaado warqad laga akhriyayo, Anigana aflegaado warqad laga akhriyayo tii dorraad ee Cirro ayaa iigu horeysayn waayo nin xanaaqasan uun baa aflegaadoon jiray laakiin mid laga soo shiray oo warqad laga akhriyayo tii shalay [dorraad] baa iigu horeysay”. Ayuu yidhi Wasiirka xanaannada xooluhu.

Md. Cukuse waxa uu caddeeyey in bulshada reer Somaliland oo dhammi waqti hore iska laab-xaadheen utumihii soo kala dhexmaray, cidda waqtigan naxligaas soo noolaysaana ay tahay cid guudldarraysatay, “Dalkeena muddadii 27-ka sanadood ee uu jiray meel aan dagaal sokeeye ka dhicini ma jirto waase laga heshiiyey oo waa la ilaaway, laakiin ninka maanta xoqayaa waa nin aan waxba haysanin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

 

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu su’aal geliyey doorkii uu murrashaxa WADDANI ku lahaa qaranka Somaliland horrayso iyo dambayso midnaba, isaga oo tilmaamay in taariikhda keliya ee Guddoomiye Cirro leeyahay tahay dagaalkii uu ku qaaday ku-xigeenkii Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Anigu intaasba waan soo taagnaa oo weriye ayaan ahaan jiray, taariikh badanna waan hayaa, haddii ay doonayaan Muuse waa kuma, Muuse wuxuu kamid yahay kuwii nabadda soo dhisay min Boorama ilaa Ceerigaabo wixii la dhisay ninkii wax kasoo dhisay, laakiin ninka ay tartamayaan (Cabdiraxmaan Cirro) qalad iyo sax midna muu gelin, laakiin haddii laga tegi waayo beri buu Baashe Feedhay baan xasuusnahay, waxaanse leeyahay taasna waa lagaa saamaxaye aflegaadada iska daayoo wixii aad hayso ee aad dadka u qabanayso la kaalay.”

Comments

comments