Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Somaliland

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments