Deg Deg: Xafiiskii Waaxda Ciyaaraha Fudud Oo Albaabada Loo Laabay, Kadib Markii Kiradii Lagu Yeeshay Muddo Lix Bilood Ah

40

Xafiiskii waaxda ciyaaraha fudud oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa albaabada la isugu dhuftay kadib markii ay iska bixin waayeen kiradii bisha ee guriga oo ahaa mid gaar loo leeyahay.

Xafiiskooda oo ku yaalla wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta dhabarkeeda ayaa la sheegay inaanay bixin kiradii guriga muddo lix bilood ah, taasoo keentay in mulkiilihii gurigu uu qufusho xafiiska, waxaana sidaas noo xaqiijiyey shaqaale ka tirsan waaxda ciyaaraha fudud.

Wasaaradda ciyaaraha oo ay waaxdani hoos timaado ayaan illaa hadda waxba ka qaban xidhitaanka xafiiskan oo yimi kadib markii la xayiray kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey soo baxayay hay’ado dawladeed iyo wasaaradaha qaarkood oo kharashku ka go’ay markii digreeto madaxwayne lagu joojiyey kharashaadkii dawladda, waxaana xusid mudan in meelaha qaarkood aan illaa hadda loo sii dayn.

Comments

comments