Somaliland: Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Oo Sheegay In Aanay La Kulmi Doonin Odayaasha Dhaqanka Oromada Haddii Ay Dalka Yimaadaan

49

“waxa yaabka yaabkii nagu noqotay oo u qaadan waa nagu noqotay, halkanbaa laydiinku imanayaa oo dhaqankii Oromada ayaa idiin imanaya”Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal

Suldaanka Guud ee beesha Subeer-awal Suldan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horraysay  ka hadlay warar sheegayay in odayaal dhaqmeed uu hogaaminayo madaxa dhaqanka ee Oromadu uu Hargaysa iman doono isla markaana ay rabaan sidii madaxdhaqmeedka ay ugala xaajoon lahaayeen shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Hawaday ee Kilalka Shanaad ee Oromada oo lagu laayay Somali qaarkood ay ka soo jeedan Somaliland.

Suldaanku waxa  uu sheegay inay ka wada hadleen madaxdhaqmeedka Subeer-awal   go’aamona ay  ka soo saareen qaabka loola kulmayo madaxdhaqameedkaas isagoo arrimahaas ka hadlayana suldaanka hadalladiisii waxa ka mid ahaa.“Waxa laysla dhexmaraayay caasimadan Hargaysa ah ee Jamhuuriyada Somaliland, wafti Oromo ah ayaa idinku soo beegan oo doonaya dhaqanka waxay u socdaana waa qadiyadii ka dhacday hawaday, runtii layaab ayay nala noqotay arinta maanta qadiyada Hawaday ka dhacday falkii xasuuqii loo gaystay shacbiga aan waxba gaysan ee Somalida ah, iyada oo aad iyo aad aanu uga tiiraanyoonay dadkayaga halkaasi lagu laayay, ayaa waxa yaabka yaabkiisa nagu noqotay oo u qaadanwaa  nagu noqotay, halkanbaa laydiinku imanayaa oo dhaqankii Oromada ayaa idiin imanaya, taa salaadiinta Habar-awal waanu ka wada hadalnay shir-waynbaanu ka galnay waxaanu ka soo saarnay afar qodob.”

“1.Aad iyo aad waxaanu uga xunahay falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Hawaday ee lagu laayay dadkayaga aan waxba galabsan,2.waxa kale oo iyaduna layaab nagu noqotay oo marnaba aananu ooda ka rogayn, wafti la leeyahay Oromo kol hadaanay soo marin oo aanay waxba ka ogayn, dawlad deegaankii Somalida Itoobiya, dawladii federaalku iyo dawladii Somaliland, marnaba lagama yaabo inaanu qaabilno ama la kulano waa qodob,in aanaan la kulmayn qaabilayn arrin aan duwalkii mandaqaduba ogayn oo toos noogu imanaya waxay nagu tahay deelqaaf, dawlada gacanta ku haya,dawlad deegaankii Somalida Itoobiya ayaa gacanta ku haya, dawladii dhexe ee federalka ayaa gacanta ku haya. Waxaa kale oo la yaaba qoomiyadii Oromada dawlad deegaankoodi kama hayno wax raali gelin ah,dawlada dhexe raysal wasaaraha Itoobiya waanu ka haynaa waanu naga tacsiyadeeyay, madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida itoobiyana waaba uu u tafa xaytay oo isagaaba gacanta ku haya arintii.” Suldaanka Guud ee beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan ayaa waxa uu gabagabadii mahadnaq u diray madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku amaanay kaalintii uu ka qaatay iyo aaskii qaran ee uu u sameeyay dadkii halkaasi lagu laayay, waxaanu yidhi. “waxaan mahadnaq balaadhan u dirayaa madaxweynaha dawlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,tariikhdii geesinimada lahayd ee uu ka qaatay qadiyadaa iyada ah. Aaski qaran ee uu u sameeyay dadkayaga iyo sida hawshaa uu ugu tafa xaydanyahay ayaanu madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida itoobiya isagana ugu mahadnaqaynaa, sidoo kale arrimahii abaaraha ee ka dhacay mandaqada geeska Africa ee ku dhacay xuduudaha dadkayagaa ku teedsan iyo xataa Somalida kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay Cabdi Maxamuud Cumar iyadana hanbalyaanu u diraynaa.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Comments

comments