Somalia: Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

144

Shilal gaari oo saaka aroornimadii ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada 3 qof iyo waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 30 qof

shilkan ayaa ka dhashay gaari noociisu ahaa Yuudhii oo rogmaday, kaasi oo ay saarnaayeen Shaqaale dhalinyaro u badan oo muruq-maal ah, kuwasoo ka shaqeeysa dhismo ka socday Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 30 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Dhinac kale deegaanka Garas-baaley ayaa waxaa isku dhacay Gaari Homey oo shacab waday iyo Gaari Nuuca ay Soomaalida u taqaano (Gaari Dameer) waxaana ku dhintay hal qof oo ah wadihii Gaari Dameerka.

Comments

comments